Muran iyo Madal Ceebeed!

W. Q. Khaliil C. Xasan

cabdiweliXalay gelinkii dambe abbaara 2dii habeenimo xilliga Muqdisho, goor ay Soomaalida inteeda badani huruday, 37 maalmood ka dib markii xilka ra’isalwasaaraha loo magacaabay Md. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayuu madal ceebeed kaga  dhawaaqay xubnaha golihiisa wasiirrada.

Wuxuu madasha soo galay isagoo waraaqo ay ugu qoranyihiin liiska wasiirradu gacanta ku sita. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Md. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari midkoodna goobta kama muuqan. Marti sharaftii lagu casuumay badankoodu, Soomaali iyo ajnabiba fiidkii ayay iskaga hulleeleen iyagoo dhabannada haysta aadna uga yaabban jahawareerka madaxtooyada ka jiray.

cabdiweli2Waxaa madasha soo camirtay wasiirrada la macaabay qaarkood ka sokow dhalinyaro u badan shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada ka hawlgala, bahda saxaafadda oo iyagu hammuun u qabay in ay ogaadaan magacaabista loogu yeedhay iyo qurbajoog ay qaraabo yihiin madaxweyne Xasan oo la sheegay in iyana ay madaxtooyadu hoy u tahay.

Ku dhawaaqistii xubnaha golaha wasiirrada cusub ee 5tii galabnimo lagu ballansanaa waxay dhabowday 2dii habeenimo.

cabdiweli4Tan iyo dharaartii uu xilka la wareegay ilaa saacaddihii ugu dambeeyay ka hor intii aanu ku dhawaaqin golaha wasiirrada marna kama nasan Ra’iisalwasaaruhu sidii uu u qaabayn lahaa shaxda xukuumaddiisa iyo cidda ka midka noqonaysa.

Haddaba su’aasha la isweydiinkaro, ayaa waxay tahay maxaa keenay in ay muddada intaa leeg ku qaadato inuu ku soo dhiso xukuumadda haddii uu sidaa u dadaalayay?

Marka aynnu fiirino xaaladda ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan sida uu shacabka Soomaaliyeed u aafeeyay cudurka qabiilku, waxa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaysa in ra’iisalwasaaraha ay caqabad ku noqotay sidii uu ugu qancin lahaa beelaha,  xilalka iyo shakhsiyaadka  uu uga qoondeeeyay golihiisa cusub.

Inkastoo ay arrintaasi wax ka jiraan haddana ma wada aha xaalku sidaas aan kor ku xusnay.

Sidoo kale ma ahayn in ay ku adkaatay helitaanka shakhsiyaad u qalma ka mid noqoshada golaha wasiirrada ee waxaa jiray aqoonyahan  karti iyo waayo-aragnimaba leh oo dalka guddihiisa iyo dibaddaba ku sugan oo quudarraynayay inay ka mid noqdaan golaha wasiirrada cusub.

DAM11 copyWaxaan shaki lahayn haddaba in caqabdda ugu weyn ee ra’iisalwasaarraha hortaagnayd si uu u soo dhiso golihiisa wasiirradu ay ahayd madaxweyne Xasan iyo saaxiibaddiisa maskaxda u sida ee Damul Jadiid oo iyagu ku caan baxay in ay danahooda gaarka mar walba ka hormariyaan ta ummadda.

Habeen walba waxay u ahayd wadaxaajood, soo jeed, daal, dhafar iyo dabcan muran.

Muran soo jiitamayay tan iyo maalintii uu billaabay ra’iisal wasaare Cabdiwali in uu soo xusho xubnaha golihiisa wasiirrada ka midka noqonaya.

Waa muran marka horeba aan gar iyo daw midna ahayn ee ay arrin xumo iyo awood maroorsi sabab u tahay. Waa muran ku dhisan aan kuu yeedhiyo iyo ii yeedhin maysid. Waa muran marar badan gaadhay heer lagu kala dhaqaaqo oo ay adkaato in dib la isugu soo noqdo.

jawaari1Muran ay dhexdhexaadintiisa iyo u kala dabqaadkooda ay hadh iyo habeen ku hawlanaayeen guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisuba. Muran markii la xaliyaba haddana meel kale ka soo labakaclaynayay.

Yeelkeede waxaa cad in madaxweyne Xasan iyo ra’isalwasaarre Cabdiweli ay isku waafaqeen, islana meel dhigeen ugu dambeystii xubnaha golaha wasiirrada, haseyeeshee ay wax isbedeleen daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Waxaa muuqata in madaxweyne Xasan uu saaxiibadiisa damul Jadiid ku qancin kari waayay liiska ay ku heshiiyeen ra’iisalwasaaraha, ayna qasab noqotay in mar kale dib loogu noqdo.

Ma xuma in madaxweynuhu la tashado saaxiibaddiis haseyeeshee waxaa nasiib darro ah in loo taliyo oo aanu go’aan qaadan karin la’aantood. Taasina waa bar madaw iyo iin ku taalla madaxweynaha oo sumcaddiisa hoos u dhigtay. Waxaa lamahuraan ah in madaxweynaha ay u kala soocnaadaan qof iyo qaran, hawsha qarankana aan shakhsi darti la isku hortaagin.

Arrinta kale ee dad badan la yaabka ku noqotay waa ka maqnaanshiiyihii madaxweyne Xasan iyo guddoomiye Jawaaari ee ay u cidleeyeen ra’iisalwasaaaraha madashii uu kaga dhawaaqay goloha wasiirrada.

Ma cadho ayay kaga maqnaayeen mise sababo kale ayaa jiray? Iyagaa sheegi!

aminSi kasta ha ahaatee golahan cusub ee wasiirrada  ayaa ah mid ay tiradiisu aad u badantahay ayna ka buuxaan shakhsiyaad taydoodu liidato.

Waxaa la yaab leh in durtaba xubno ka mid ahi ay ka cudurdaarteen ka mid noqoshada golaha wasiirrada. Guddoomiyaha gobolka banaadir Md. Tarsan oo loo magacaabay xilka wasiir kuxigeenka wasaaradda ciyaaraha, oo runtii ah xil aad uga hooseeya midka uu hadda hayo, ayay magacaabistiisa dad badani u fasirteen mid kursiga duqa magaalada Muqdisho lagaga kicisanayo. Waana sababtaa malaha ta ku dhalisay in uu diido xilka cusub.

Iyadoo hadda la hadalhayo wasiirro iyo wasiixigeenno kale oo qorshaynaya in ay xilka iska casilaan, ayaa laga cabsi qabaa in dawladda Cabdiweli sidii tusbax furmay u kal daadato iyadoo weli baarlamaanka la horgeyn.

Gabagabadii su’aasha meesha taal, ayaa waxay tahay intee in leeg bay wadashaqayn doonaan madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha xidhiidhkoodu ku billaabmay muranka iyo ismaandhaafka mar haddii waajibaadkoodii ugu horreeyay ee dhisidda xukuumadda si dhib ah ku maareeyeen.

Aqoonyahan aan su’aashaas hordhigay, ayaa  iigu jawaabay, “way isla degi doonaan!”

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: khaliilha484@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.