Iyadoo Ummadaha islaamku maanta u dabaaldegayaan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa guud ahaanba dalka soomaaliya si weyn looga ciiday.
Masaajidda ku taal caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo meela kale oo badan oo ka maid ah Soomaaliya ayaa si aad ah looga dareemayaa maalintan weyn ee Ciidul Adxa.
Kumanaan ka mid ah shacabka ku dhaqn Muqdisho ayaa salaadii Ciidda ay saaka kula tukadeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Wasiiro iyo xildhibaano Masjidka Isbaheysiga islaamka oo ku yaala meel aan wax badan ka fogayn madaxtooyada Soomaliya.
Salaada kadib waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), wuxuuna shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan.
Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo halkaasi salaadda ku soo tukaday ayaa dhankooda waxa ay ka hadleen farxadda Ciidda, waxaana ay isugu hambalyeynayaan maalintan qaaliga ah oo ka mid ah munaasabadaha Islaamka iyada oo ay maanta Ciidan Carafo ku soo aaday maalin kale oo umdadda islaamka Ciid u ah ah madaama ay tahay maalin Jimca ah.
Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa shacabkooda waxa ay salaada Ciidda kula tukanayaan masaajidada iyo barxadaha waaweyn ee magaalooyinkooda.
Wariyeyaasha ku sigan caasimadaha maamulada dalka ka jira ayaa WarheerNews u sheegay in si weyn looga ciidanydeegaanada ay ku sugan yihiin sida Jowhar, Garowe, Gaalkacyo, Baydhabo, Cadaado, Dhuusamareeb, Kismaayo, Hargeyso iyo magaalooyinka kale oo laga soo sheegaya in maanta jawi degan ay ku ciidayaan shacabka Soomaaliyeed ee magaalooyinkaasi.
Maxamed Nuur Amin
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply