Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muqdisho: Haween si iskaashi ah u sameeya burjikooyin iyo dheriyo ay nolosha qoysaskooda ka maareeyeen

Mako Mayow oo ku guda jirta shaqadeeda/Axmed Maxamed/Ergo

Mako Nuur Maxamed iyo sagaal haween ah oo kale ayaa isku hura maankooda iyo muruqooda. Si meerto ah ayay howsha isaga caawiyaan. Marba mid ka mid ah ayay shaqadiisa isugu tagaan si wada jir ah iyagoon lacag kaga qaadaneyn. Wareegga xiga qofka nasiibka u yeesha ayay sidaas oo kale shaqadiisa isla qabtaan. Howshooda oo dhan ayaa ku dhisan wax wada-qabsi, taas oo ka caawisa, una fududeysa inay mar keliya soo saaraan weelal badan.

Mako oo ku jirta da’da kontomeeyada, waxay xoog iyo ciidan u tahay qoys ka kooban 10 qof. Xilli ay ku mashquulsanayd shaqo maalmeedkeeda dhoobada iyo howsheeda guriga ayay iiga sheekeysay shaqadeeda iyo goorta ay billowday.

“Waa sameynaa, waana ka hunguri doonayaa. Ganacsigeenna waaye, anigoo yar ayaana soo billaabay oo ayeeyadey ayaan ka soo gaaray.”

Mako ayaa sheegtay in aabbaha reerka oo 70 jir ah uu dhibbane u yahay cudurka dhiig-karka oo uusan shaqeynin. Wiil ka mid ah carruurteeda ayay sheegtay inuu sariir saaran yahay kaddib firir uga dhacay qoorta kaas xubnaha jirkiisa ka dhigay naafo. Awood uma laha dhaq-dhaqaaq, joogsi iyo socod toona, waxaana Mako ay isku waddaa shaqada xoogsiga ah iyo daryeelka wiilka iyo saygeeda.

Shaqadan oo ay waqti badan geliso ayay sheegtay inuu u degsan yahay xeer ay iskula dhaqmaan dumarka howshu ay kala dhaxayso, kaas oo dhigaya in qof shaqada loogu qabto si isxilqaan ah iyadoon lacag looga qaadaneyn.

“Markii sameyska uu noo dhammaado, iskaashi ayaan ku dubannaa, waana isku xoog darsannaa oo qof keligiis dubi karo.”

Weelasha u gadma waxay ku helaan qiimo ku xiran shayga inta uu la egyahay. Burjikada iyo tinaarta ayay ka helaan 2 ilaa 4 doollar.

Dhoobo gaar ah ayay ka sameeyaan weelashan. Waxay ka keenaan gobolka Shabeelaha hoose. Keeniddeeda oo waqti ku qaadata ayay inoo sharaxday Mako.

“Carrada baaddiyaa laga keenaa. Dhoobada waxay ka dhalataa biyaha roobka, meel dheerna waa laga keena oo Xamar hadda lagama helo. DHulkaan jasiiro markii la dhaafo ilaa Marko ayaa laga soo qodaa. Loorka lacag waaye, afar dollar ayaa ku gadannaa.”

Qoysaskan waa danyar dakhliga soo gala uusan kaafin karin nolosha iyo waxbarashada carruurta oo cunno helista ay la daalaa dhacayaan. Mako kale oo ina Maxamed Mayow ah ayaa sheegtay in saddex caruurteeda ay waxbarashada gaareen balse aysan u suuragalin inay iskuul geyso oo ay ka bixiyo lacagta, kaalinteeda ayaa hadda ku kooban quudka la cuno iyo dugsi qur’aan.

“Iskuulka way gaareen laakiin tabar ayaa jirta. Duruuf awgeed ayay guriga ugu nool yihiin carruurta. Hadda awoodaan waxbarasho ku geeyo ma hayo, haddi ay dugsiga a yimaadaanna guriga iska dhex fadhiyaan. Hal iskuul baan tagay markaas lay yiri bishii 20 doollar waaye, anna waan awoodi waayay.”

Dedaal dheer kaddib marka ay sameeyaan alaabta, doonistooda ugu weyn waa in laga gato. Maxmed Mayow ayaa sheegtay in suuq-xumo ay haysato taas oo ay aad u dareemeen tan iyo soo ifbixii cudurka Karoona.

“Suuq maanta ganacsi kala socda ah maaha xitaa gaadiid uma haysano annaga lee gaadiid u kireysanayna. Moota bajaaj meesha kuu taagan lacaguu kaa rabaa hadduu kuu qaado. Intuu cudurku jiro culeyska ayuu keenay, wax wax kaa gadanaya ma leh.”

Shaqadan sameynta dheriyada, tinaarka iyo burjikooyinka ka miro dhalinteeda waxay u baahan waqti badan, balse haweenkan ayaa u hura si uusan dabku uga damin. Waxay u tahay xirfad qaarkood ay ka dhaxleen hooyooyinkood, haseyeeshee waxay jecel yihiin in laga caawiyo horumarin howshooda. Geesta kale waxay shaqadoodu tusaale nool u tahay sida iskaashi u muhiim ugu yahay howlaha halganka nolosha.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.