Tuesday, January 14, 2025
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Mudug: Qoysas cusub oo ka barakacay tuulada Kulub oo bacaad uu dhibaato ku hayo

Kaydka Ergo

Shan boqol oo qoys oo ku noolaa deegaanka Kulub ee gobolka Mudug ayaa billowgii Deseember isaga guuray, markii uu bacaad ka aasay guryihii la deganaa, goobihii waxbarashada, caafimaadka iyo ceelashii laga cabayay.

Qoyska Asad Yuusuf Siyaad oo 7 ah waxaa isku biirsaday cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan, markii bacaadku uu ka aasmsay guri labo qol ah oo ay deganaayeen.

Ninkan ayaa sheegay in reerkiisa uu geeyay xero barakac oo ku taalla meel 5 km u jirta tuuladda, halkaas oo xaalada adag ay ku wajahayaan.

Asad ayaa sheegay in bacaadku uu aasay gurigii oo uu ku noolaa in ka badan 20 sano. Markii uu ka cabsaday in carruurtu ay kuga dhinteen oo darbiyadu ku soo dumaan ayuu kala baxsaday.

“Meeshan degay biyana ma leh, ceelna ma leh, waxbarasho nooc kasta ma leh. Dhowr fuusto oo guryo dumay aan ka soo fuqsaday ayay ilmaha iigu jiraan. Subuxii uu ilmaha ku soo dubay oo ay iska rogi waayeen ayaan ka calool go’ay.”

Asad ayaa xusay in qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin kaalmo aan joogto ahayn oo ay ka helaan dad ehel ah oo mararka qaar uu neef uu $60 kala baxo siiyo, marna raaashin kiilooyin ah, taas oo hal mar ay dabka ku shidtan.

Waxaa meesha ka baxday sanadkii hore shaqadiisii badda oo ahayd halka xirfad ee uu yaqaanay ee uu ka heli jiray nolol-maalmeedka reerka, markii ay deegaanka ku soo bateen maraakiib jariif ah.

Asad ayaa tilmaamay in labadii sano ee u danbeeyay ay ku dadaalayeen sidii ay ciida u celin lahaayeen, balse markii danbe ay garty heer aysan waxba ka qaban Karin.

“Caawa dhan markaa qodaysid waabarigii waxaad u imaanaysaa iyadoo intii ka badan oo dayrka la siman, markay aad u buubaysana lama istaajin karo oo qofka xitaa waa xanuujinaysaa waa naga tanbadisay oo waa ku xabaalanay, markii danbe waa la qodi waayay.”

Asad ayaa sheegay in ay ku adag tahay helitaanka biyaha. Bacaadka ayaa duugay ceel gacmeedyo ay isticmaali jireen. Meesha kali ah ee hadda biyaha laga helo waa booyado ka keena Garacad oo u jirta 20 km. Dadka awooda ayaa baco ku shubta, balse Asad hal jirigaan ayuu maalin kasta ka soo baryaa qoysaska bacaha leh si ay isku gaarsiiyaan.

Ninkan ayaa xusay in saddex caruur ah oo dugsiga hoose dhexe u dhiganayay ay waxbarasho la’aan yihiin muddo labo sano ah, maaddama iskuulkii deegaanku xilligaas ku aasmay bacaadka oo sidaas uu ku xirmay, taas oo quus u badashay rajada waalidiin badan. Ninkan ayaa xusay in uusan awoodin in uu u guuro magaalooyinka kale ee waxbarashada leh dhaqaale la’anta haysa darteed.

Asad ayaa sheegay in bacaadka ay maalin kasta kala kulmi jireen daal, howl iyo qarash joogto ah, balse hadda ay ka raysteen, wallow nolosha kale ku sii adkaatay.

Ninkaan oo waligiis ka mid ahaa kalluumaysatada deeganka ayaa xusay sanadihi danbe uu dhibaato weyn ku qabay bacaadka oo barakaciyay kana dumiyay guryihii ay ku noolaayeen oo hay’adda Care ay u dhistay sanadkii 2004, markaas oo duufaan deegaanka ku dhufatay ay hoy la’aan dhigtay.

Saamaynta ka dhalatay bacaadka dadka uga guuray Kulub ee xaalada nolol xumada ah ku wajaya duleedkeeda waxaa ka mid ah qoyska Cabdi-sharaf Cabdullaahi Maxamed oo billowgii bishii Nofeember ee sanadkaan isaga tagay magaalada, markii ciidu buuxisay gurigiisii oo saddex qol ahaa.

Dhulka oo ah bannaan aan geedo lahayn darteed waxa uu sheegay in ay ku dhacayso dabayl xooggan oo ciida qaadaysa. Wuxuu ku jiray 50 qoys oo hal maalin guuray, markii ay wada aasmeen guryahoodii.

Ninkaan oo qoyskiisu ay 8 qof ka yihiin ayaa sheegay in laabdii bil ee ugu danbaysay uu u awoodi la’yahay cunto hal waqti ah iyo hoy ay gabaadsadaan. Wuxuu tilmaamay in geed uu ku wareejiyey cooshado ay degan yihiin hadda.

“Qabowga iyo dhexanta wax seexan kara lama arko, labada wakhti ayaa wixii la helo dabka lagu shitaa, wakhtina waa la qadaa.”

Cabdi ayaa ka welwelaya qaabkii uu ku bixin lahaa $2,000 oo deyn loogu yeeshay laabdii sano oo u danbaysay. Lacagtaan ayuu sheegay in ay ku gashay raashin uu reerka u qaatay, biyihii ay isticmaalayeen iyo wax uga baxay bacaaad gurida.

Biyo 30 fuusto ah oo bishii October uu shubtay ayuu xusay in ay labo toddobaad ka hor ka dhamaadeen haddana uusan awoodin in uu mar kale uu dhaansado. Waxaa wali lagu leeayahay $85 oo biyihii ugu danbeeyay loogu shubay.

“Toban maalin markaa soo xaaqdo markaas baa biyahii dalbaysaa meelaad labo maalmood qodaysaa waxaa laga yaabaa maanta intaa biyahii dalabtid in caawa ay kaa buuxsanto oo salaadii adoo xaaqaya gaarigii kuu soo istaago qaabkaas baan biyaha ku shuban jirnay.”

Cabdi ayaa xusay in uu ka welwelsan yahay sida uu noqon karo xaalkooda haddii uusan isbedal imaan. Wuxuu sheegay in dhamaan meheradihii uu wax ka qaadan jiray ay xirmeen, loona diiday deyn kale, maaddama uu shaqo la’aan yahay.

Gudoomiyaha deegaanka Kulub Cabdi Yuusuf  ayaa sheegay in carro guurku uu xiray xarumihii danta guud ee dhamaan magaalada, taas oo keentay in dadkii ay ka wada guureen. Bacaadka ayaa dhamaan wadooyinka xiray mana jirin gaari soo gali kara Kulub.

“Garacad baabuurka biyaha awal uga keeni jiray $30 hadda waa $120 ama $130. Marka qofkii danyar ahaa waa shuban la’yahay, hadana meel ay ku shubbtaan ma leh.”

Dadka ku nool deegaanka Kulub ayaa shantii sano ee la soo dhaafay dhibaato ku qabay saamaynta guurguura oo keenay in dhowr mar ay magaalada isaga barakacaan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2025 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.