Mudug: Dadka tuulada Huldooyaale oo nolol xumo wajahaya markii aanooyin qabiil dartood dab la qabadsiiyay guryahooda

Mudug: Dadka tuulada Huldooyaale oo nolol xumo wajahaya markii aanooyin qabiil dartood dab la qabadsiiyay guryahooda

 Jibril Osman

Kaydka Ergo

Siddeed boqol oo qoys oo ku noolaa deegaanka Huldooyaale ee gobolka Mudug ayaa wajahaya cunno-xumo, biyo yari iyo hoy la’aan, markii maleeshiyaad hab qabiil u abaabulan ay dab qabadsiiyeen tuuladii ay dadku degganaayeen 26-kii bishii Maarso ee sanadkan.

Waxaa la gubay 20 dhismo oo isugu jiray xaafado iyo meherado ganacsi iyo afar baraagood oo ay lahaayeen dad shacab ah. Arrintaan ayaa saamayn xun ku yeelatay nolosha dadka deegaanka oo ku hanti beelay, xilli ay naawilayeen in ay ka soo kabtaan abaarta.

Dadka amuurtan ay saamaysay waxaa ka mid ah Nuuro Maxamed Cali oo tukaan ay ku lahayd deegaanka oo nolosha reerkeeda ay ka soo saari jirtay iyo xafaddeediiba dab laga qabadsiiyay.

Waxa ay qoyska Nuuro tan iyo 27 Maarso ku sugan yihiin miyiga deegaanka. Waxa ay gabaadsadaan geed mana haystaan hoy cunno iyo biyo toona. Waxa ay wax la cuaan  qoysas horay miyiga ugu noolaa oo ay qaraabo yihiin kuwaas oo ay la wadaagaan waxii ay karsadaan, sida ay ka warramayso.

“Anagu hadda meesha wax nolol ah oo weyn kuma haysano, laakiin hantidii aan ku noolayn waa midda meesha lagu gubay oo dabka la qabadsiiyey. Quutul daruuriga muslimka Ilaahay baan la cunnaa dadkaas baa la af-furnaa lana saxuuranaa.”

Nuuro oo ah hoyada sagaal carruur ah ayaa xustay in aqal Soomaali ay degganaayeen, dukaankooda iyo agabkii yaalay aan waxba uga cayman.

Waxay tilmaamtay in ay ku waysay lacag ay ku qiyaastay shan kun oo dollar marka lagu daro qiimaha guriga dhaafay. haweenaydan oo kaligeed u shaqaysa reerka ayaa sheegtay in ganacsigeed ay maalintii ka heli jartay faa’iido u dhaxaysa $7-10, taas oo ku filneed nolosha qoyska.

Nuuro ayaa shaqadan ku billowday sanadkii hore, markii saygeeda uu ugu maalgaliyay $1,000 oo uu ka baxshay soddon ari ah oo uu iibiyay. Waxa ay aheed isha kaliya ee dhaqaalaha qoyska oo ay rajaynayeen in ay ku baxsan doonaan.

Boqol iyo afartan neef oo ari ah oo aabbaha reerku uu miyiga ku hayay ayay sheegtay in abaartii ay uga soo doogtay 20 neef oo kali ah, kuwaas oo iyaguna ah caato aan weli naaxin. Nuuro mahayso qorshe ay ganacsigeedii dib ugu yagleesho maaddaama aysan hayn kayd dhaqaale. Waxa ay ka welwelsantaay xaaladda ay ku jiraan.

“Hooygeenii waa nala ka gubay xataa bac aan ilmaha ku korsanno mahaysano adigu waab iska waaban oo ood ah baan joognaa. Wax roob ah oo uu celinaayo ayaan jirin.”

Qoyskan waxaa intaas u dheer helidda biyaha oo ay ku dhib qabaan.  Waxay xustay Nuuro in meesha ay ku barakaceen dadku si koox koox ah ay u samaysteen baco dhulka lagu aasay oo biyo booyado keenaan lagu shubo iyada oo halkii fuusto laga siiyo lacag dhan $5, taas oo aysan awoodin qoyskeeda faro marnaan dhaqaale darteed.

Waxay hadda ku tiirsan yihiin dayn ay ka qaataan nin leh bacda ay dadku biyaha ku shubtaan kaas oo ku yeeshay $25. Waxay ka cabsi qabtaa in uu ka goosto daynta, maaddama isaga xitaa uusan lahayn awood uu dayn ku bixiyo, taas oo xaalka ku sii adkayn karta qoyska Nuuro.

Qoyskan kaliya maahan dadka hanti-xumada ay dhaxal siisay gubidda deegaanka ee waxa ka mid ah qoyska Cali Cismaan Aadan oo laga gubay tukaan oo uu ku iibin jiray rashin, dhar, iyo qudaar oo uu ka maarayn jiray nolosha qoyskiisa oo ah shan carruur ah iyo afadiisa. Waxa uu sheegay in aan waxba uga cayman dhismhii guriga iyo hantidii taallay oo uu ku qiyaasay $4,000.

Ninkan oo hadda qoyskiisu degganyaha yihiin geed uu uga waabay duleedka deegaanka oo uu u barakacay ayaa ka walaacsan qasaaraha hantiyadeed ee isku raacday. Waxa ay hadda ay karsadaan 36 kiilo oo raashin ah oo sokor, bur iyo bariis ah oo ay u soo dhiibeen dad ay qaraabo yihiin oo deggan degmada Baxdo markii uu xaaladdooda oggaysiiyay.

Cali ayaa ganacsiga billaabay 13 bishii koobaad ee sanadkii hore markii ay abaartii dalka ka jirtay u ku waayay 200 oo ari ah. Waxa uu ku furtay  $1,500 oo uu ka daynsaday ganacsade ay ehel yihiin isaga oo lixdii bil ee ugu horaysay iska guday.

Ninkan oo tukaankiisa ka heli jiray sida uu sheegay faa’iido dhan $10-15 maalinkii ayaa sheegay in uu ku filnaa nolosha qoyska intii ay arrintan ku dhicin. Waxa uu xusay in uu naawinayay in ganacsigiisa uu balaariyo maadaama deegaanku ganacsi fiicnaa.

Sidoo kale waxa uu xaaskiisa u furay maqaaxi yar oo ay iyaduna ku karin jirtay shaaha iyo raashinka bisil, taas oo ay ka heli jirtay maalintii $4-5. Waxa uu ka xasuus warramayaa sida uu u socday ganacsigiisii deegaanka.

“Meeshu waxay ahayd meel tuulo ah oo magaalooyinka kale ka fogyihiin oo aad loogu soo safro oo rarka lagu kala rogto oo magoolooyin badan ku xiran yihin ganacsigeeda ayay aheed. Hadda waxaas  xitaa koob shaah ah oo aad naftaada ku qabatid ka helimaysid reerka hooyadiisa iyo aniguba labo dukaan oo ganacsi ah baan ka joognay wax nooga badbaaday majiraan”

Cali ayaa sheegay in waxa ugu daran ee hadda uu ka welwelo ay tahay nolosha labadiisa waalid oo da’ ah oo uu isagu haayo, kuwaas oo aan awoodin ku sii noolaashada xaaladdaan adag. Waxa uu tilmaamay in ay debad yaal u yihiin qoraxda maalinkii iyo qabawga habeenkii taas oo aysan lahayn awood ay iskaga difaacaan.

Waxa uu sheegay in waxa kali ah ee ay ku nool yihiin ay tahay shaah iyo caano-booro uu u soo daynsaday, maaddama aysan cuni karin raashinka iidaan la’aanta ah ee reerka uu karsado, taas oo lasiiyo labo mar oo ah afur iyo saxuur.

Waxa uu ka cabsi qabaa sida uu noqon karo xaalkooda, xili ay si xoggan u da’ayaan roobabka gu’ga.

Cali waxa uu ku talo jiraa in qoyska uu ula hayaamo maagaada Baxdo oo u jirta 50 km, basle wuxuusan awodin kirada gaariga oo $60 ah, maaddama labada waalid aysan socod awodin.

Tan iyo markii la gubay deegaanka waxaa ka siidaraysay xaaladda nololeed ee dadkii ku noolaa, kuwaas oo daadsan daafaha magaalada.

Guddoomiyaha deegaanka Huldooyaale Aadan Maxamed Cabdi  ayaa maamulka Galmudug ka dalbaday in ay waxka qabtaan dhibaatooyinka la xariira aanooyinka qabiil ee deeganka ka dhacay. Waxa uu sheegay in haddii dadkan aan laga soo gaarin muddo todobaad ah ay xaaladooda tahay mid qatar ah, maadama aysan haysan cunno, biyo iyo hoy toona.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.