Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MILICSIGA SIIRADA (3): TALINTA IYO SARAYNTA SHARCIGA

W. Q. Mustafa Fayruus

Gogoldhig

Waa qormadii 3aad ee milicsiga Siirada Nebiga NNKH, innagoo mudnaanta siinayna mabaadiida iyo qiyamka uu Suubbanuhu NNKH ku dhisay “ummad” iyo “dawlad” sees u noqday xadaarad caalami ah. Waa mabaadii iyo qiyam ku cad Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Nebiga NNKH, siiraduna ay si “camali” ah u muujinayso. Maantana aan milicsanno mabda`a “talinta iyo saraynta sharciga”, oo ka mid ah mabaadiida uu Nebi Maxamed NNKH tiirka uga dhigay dhismaha Dawladdii Madiina.

Sharciga waa loo siman yahay

Haweeney saxaabiyad ah oo ka dhalatay reer Banii Makhzuum ayaa wax xadday, halkaana ciqaab ku mutaysatay. Reer Banii Makhzuum waa qabiil tiro iyo xoogba leh oo ka mid ahaa Quraysh.

Dadweynihii waxaa la cuslaaday in la ciqaabo gabadh ka dhalatay “Qabiil leh awood, magac iyo maamuus intaba”. Waxay la noqotay in arrintan lagala hadlo Suubbanaha NNKH, lagana codsado in gabadhan la cafiyo oo aan la ciqaabin. Waxay doorbideen in saxaabigii Usaama Bin Zayd IRH uu arrintaa Rasuulka NNKH kala soo hadlo, Usaamana wuu kala hadlay.

Markii codsigani soo gaadhay Nebigu NNKH, wuxuu arkay in arrintani tahay qodob jebinaya tiirarka dawladnimada. mudanna inuu ka bixiyo duruus aan la illaawin.

Sidaas darteed, Suubbanuhu NNKH kuma kaaftoomin inuu diido codsiga keliya e; wuxuu jeediyay khudbad uu mabda`an “saraynta sharciga” ku dhidbayo, wuxuuna yiri: “Ummadihii idinka horreeyay waxaa burburiyay/halaagay haddii qof maamuus lihi wax xado way iska dhaafi jireen [may ciqaabi jirin], haddiise uu qof taag darani wax xado way u ciqaabi jireen. Ilaah baan ku dhaartaye haddii ay Faadumo Bint Muxammad wax xado gacanta ayaan ka jarayaa”.

عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا (أَنَّ قُرَيْشًا أَهَمَّهُمْ شَأْنُ الْمَرْأَةِ الْمَخْزُومِيَّةِ الَّتِي سَرَقَتْ فَقَالُوا وَمَنْ يُكَلِّمُ فِيهَا رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالُوا وَمَنْ يَجْتَرِئُ عَلَيْهِ إِلَّا أُسَامَةُ بْنُ زَيْدٍ حِبُّ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَكَلَّمَهُ أُسَامَةُ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:  ” أَتَشْفَعُ فِي حَدٍّ مِنْ حُدُودِ اللَّهِ” ثُمَّ قَامَ فخْطَبَ ثُمَّ قَالَ “إِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ قَبْلَكُمْ أَنَّهُمْ كَانُوا إِذَا سَرَقَ فِيهِمْ الشَّرِيفُ تَرَكُوهُ وَإِذَا سَرَقَ فِيهِمْ الضَّعِيفُ أَقَامُوا عَلَيْهِ الْحَدَّ وَايْمُ اللَّهِ لَوْ أَنَّ فَاطِمَةَ بِنْتَ مُحَمَّدٍ سَرَقَتْ لَقَطَعْتُ يَدَهَا” )  متفق عليه 

Halkan wuxuu suubbanuhu NNKH si cad u qeexay laba tiir oo muhiim ah oo maamulka iyo dawladnimadu ku dhisan yihiin, oo kala ah: (1) Saraynta & talinta sharciga (سيادة القانون) (rule of law), iyo (2) Sinaanta shaciga hortiisa (المساواة أمام القانون) (equality before the law). Waa laba tiir oo isku sidkan, isuna ah lacagta labadeeda dhinac oo kale.

Wuxuu kaloo Nebigu NNKH caddeeyay in burburka maamulka iyo dawladnimadu tahay natiijada ka dhalanaysa jebinta labadaa tiir ay tahay. Sidaas darteed, ayay u halaagsameen, una burburtay dawladnimadoodii, ummadihii hore ee labadan qodob ku tuntay!!

Ummadahaa hore, boqorka iyo inta ku xeerani sharciga way ka sarreeyeen, oo laguma fulin jirin, waxaa sharciga lagu qaadi jiray oo keliya dadweynaha caadiga ah. Ciddii awood iyo maamuus gaar ah leh sharcigu ma qabto oo way ka sarreeyaan, miskiinkuse isagaa misgo la fuulo leh!

Sideedaba, sharcigu wuxuu ka/u dhexeeya bulshada wada nool, wuxuuna hagaa nolosha, tilmaamaana habka ay tahay in loo dhaqmo. Abdada sharcigu waxay ku jirtaa fulintiisa. “Talinta iyo saraynta sharcigu” waa in sharcigu ku fulo cid kasta, ha noqdo qof caadi ah, qof masuul ah; cid awood leh iyo cid aan awood lahayn intaba. Ciddii ku xadgudubta sharcigu waa inay heshaa abaalkeeda, oo tubtii saxda ahayd lagu soo celiyaa, laguna qaado wixii ay ciqaab mutaysato. 

Taabbagelinta talinta sharciga

Waxyaabaha taabbageliya saraynta sharciga waxaa ka mid ah in awoodda dawladdu baahsan tahay kalana baxsan tahay “Separation of powers”. Qaybinta iyo baahinta awooduhu waxay baajinayaan “ku tagrifalka awoodda” oo aalaaba yimaadda marka awooddu ay ku ururto gacanta qof keliya ama tiro yar.

Awoodaha u qaybsan hay`adaha dawladdu waxay xakameeyaan ku tagrifalka awoodda, waxayna xoojiyaan isla xisaabtanka iyo is toosinta laamaha dawladda/maamulka; waxay noqonayaan hay`ado is dheellitira.

Gabaggabo

Nebi Maxamed NNKH wuxuu Dawladdii Madiina ku dhisay saraynta sharciga iyo in loo wada siman yahay. 

Talinta sharcigu waxay udubdhexaad u tahay wada noolaanshaha ummadda, jiritaanka dawladnimada iyo dhismada xadaarada intaba. Meel aan sharcigu shaqaynayn, ama aan loo sinayn, kama hanaqaado maamul tayo lihi kamana dhisanto nolol habbooni.

Iyadoo laga duulayo waayo`aragnimada Aadanaha iyo bisaylkiisa siyaasadeed, xilligan waxaa jira arrimo tusmeeya talinta iyo saraynta sharciga. Ugu horeynba, waa in laamaha dawladdu ayna ku tagrifalin awooddooda (sida badan waxaa farta lagu godaa xukuumadda ama laanta fulinta oo awoodo badan urursata kuna tagrifasha), una adeegsadaan si sharciga waafaqsan oo keliya “Accountable government”. Tan kale, waa inuu jiraa hannaan garsoor hufan, u madaxbannaan ku garnaqa sharciga, cid kastaana waa inay si fudud ku heli kartaa “Access to justice”.

Tiirka “talinta iyo saraynta sharciga” waa mid ka mid ah tiirarka dhismaha ummadnimada iyo dawladnimada; Nebi Maxamedna NNKH sees uga dhigay Dawladdii Madiina ayna tahay in lagaga daydo.

Waa innoo qormada 4aad iyo mid kale oo ka mid ah mabaadiida iyo qiyamka uu Nebi Maxamed ku dhisay dhismaha ummadda iyo dawladnimada.

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]


Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.