Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Religion
  • Slideshow

MILICSIGA SIIRADA (2): MAAMUL KU SOCDA TALO-WADAAG

W.Q. Mustafa Fayruus

Gogoldhig

Waa qormadii labaad ee milicsiga Siirada Nebiga NNKH, innagoo mudnaanta siinayna mabaadiida iyo qiyamka uu Suubbanuhu NNKH ku dhisay “ummad” iyo “dawlad” gundhig u noqday xadaarad caalami ah. Waa mabaadii iyo qiyam ku cad Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Nebiga NNKH, siiraduna ay si “camali” ah u muujinayso. Mabaadiidan waxaa ka mid ah dawlad ku dhisan “talo-wadaag”, kuna socota “ra`yiga aqlabiyadda”.

Talo-wadaag & aqlabiyad

Wadatashigu wuxuu Nebiga NNKH u ahaa dhaqan joogto ah guud ahaanba noloshiisa. Haddase waxaan daba soconnaa arrimaha siyaasadda iyo maamulka guud e; in talada la wadaagaa, “talo-wadaag” ama “الشورى”, waa tiir ka mid ah tiirarka uu Suubbanhu NNKH ku dhisay dawladdii Madiina. 

Aan u noqonno siirada, aan laba tusaale ka soo kala qaadanno dagaalladii Badar iyo Uxud.

Badar: Ma waxyi baa mise waa tab iyo xeelad dagaal?

Dagaalkii Badar ee dhacay sannadkii labaad ee Hijrada, Suubbanuhu wuxuu ciidanka muslimiinta dejiyay meel u dhow ceelasha Badar. Waxay goobtu la qumanaan wayday saxaabi la oran jiray Al-Xubaab Ibnul-Mundir, oo u arkay inayna goobtani milatari ahaan Muslimiinta u fiicnayn.

Saxaabigii Al-Xubaab wuxuu Suubbanaha NNKH weydiiyay su`aal ah “Rasuulkii Ilaahayow goobtan aad na dejisay, ma Ilaahay SWT baa ku amray [oo waa waxyi] oo dhanna uga dhaqaaqi kari mayno; mise tab iyo xeelad dagaal bay kaa tahay [oo waxyi maaha]??”

Nebigu NNKH wuxuu ku jawaabay “Tab iyo xeelad dagaal uun bay iga tahay [ee waxyi maaha]”. Saxaabigii Al-Xubaab ayaa hadalkii qaatay, oo yiri: “Rasuulkii Ilaahayow, goobtani xeelad dagaal ahaan innooma fiicna, ee ciidanka innoo rar, oo inna deji goobtaas biyaha ka koraysa”.

Suubbanihii NNKH wuxuu Al-Xubaab ku yiri “Ra`yi fiican baad keentay”! Taladii buuna qaatay, goobtii uu saxaabigu ku taliyay ayuuna Suubbanuhu NNKh ciidankii u raray….. 

Nebigu NNKH, oo ahaa hoggaamiyii dawladda Madiina iyo taliyihii ciidamada Muslimiinta ee Badar ka dagaal galay, ma afjigin saxaabigii, ee si fiican buu uga dhegaystay ra`yigii, markuu la qummanaadayna wuu go`aamiyay. Waa lagu liibaanay taladaa saxaabiga, oo ahaa muwaadin caadi ah, iyo go`aankaa Suubbanaha NNKH.

Uxud: Ra`yiga aqlabiyadda

Dagaalkii Uxud oo dhacay sannadkii 3aad ee Hijrada, magaalada Madiina waxaa ku soo duulay ciidan xoog leh oo tiro ahaan dhodhowaynaya tiradii guud ee dadweynaha Madiina degganaa!!

Sidaas darteed, Suubbanuhu NNKH markuu warkan duullaanka helay waxa uu la tashaday reer Madiina “Ma magaalada gudaheeda ayaan ka dhex dagaallannaa, mise magaalada bannaankeeda ayaynu ugu baxnaa?” Badiba dadweynihii, oo dhallinyaro u badan, waxay ku taliyeen in cadawga magaalada dibaddeeda loogu baxo; halka intii kale oo laga badan yahay, hase yeeshee duqay u badan, ay ku taliyeen in Madiina gudaheeda ay ka dagaallamaan. Dhinac kasta ra`yigiisa sababo uu ku xoojinayo ayuu ku baanay. Suubbanuhu NNKH ra`yigan dambe ayuu odayada la qabay. Dabcan, ra`yiga Suubbanuhu NNKH ma ahayn “waxyi” Rasuulka ku soo degay, ee “ra`yi hogaamiyaha” la qummanaaday ayuu ahaa.

Haddii aan luqadda casrigan adeegsanno, Suubbanuhu NNKH “afti dadweyne” ayuu qaaday, dhankii “aqlabiyaddu” raacday ayuuna la qaatay.

Nebigu NNKH ra`yigii aqlabiyadda ayuu qaatay, ciidankiina Madiina bannaankeeda ayuu u bixiyay kana dagaal galeen. Intaanu dagaalku bilaaban khilaaf culus ayaa Muslimiinta gudahooda ka dhacay; dagaalkii markuu dhacayna dhibaato culus ayaa Muslimiintii soo gaartay. 

Mar walba la tasho

Xusuuso, Nebiga NNKH waxaa la qumanayd in difaaca laga galo Madiina gudaheeda; wuxuuse raacay ra`yigii aqlabiyadda ee ahaa in cadawga loogu baxo magaalada dibaddeeda. Natiijadii dagaalkuna waxay noqotay in dhibaato culus ay Muslimiintii soo gaartay. 

Iska garo, markaaba hadalka furmi karay ee ahaa “haddii talada Rasuulka NNKH la yeeli lahaa waxani ma dhaceen”, “haddii talada odayada la yeeli lahaa jabkani nama soo gaareen” iwm..

Dagaalkii Uxud waxaa ku soo degay aayado ka mid ah suuradda Aal-Cimraan, si cad ayuuna Ilaahay SWT u faray Rasuulkiisu NNKH inuu dadka la tashado, markii go`aan la qaatana lagu calool adaygo oo labalaabowga laga digtoonaado.

{فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ لِنتَ لَهُمْ ۖ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ ۖ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ ۖ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ} آل عمران: 159.

Aayaddu waxay sii adkaysay waajibnimada talo-wadaagga. Waxay albaabka ka xiraysaa cid kasta oo u marmarsoon lahayd in wadatashiga layska dhaafo, taladana loo daayo qofka masuulka ah.

Labadan dhacdo, oo dhacay xilli culus oo dagaal lagu jiro, waxay si cad innoo tusayaan in tiirarka uu Suubbanuhu NNKH ku dhisay dawladdii Madiina uu ka mid yahay tiirkan ah “talo-wadaagga” ama “الشورى” iyo “ra`yiga aqlabiyadda”.

Gabaggabo

Nebi Maxamed NNKH wuxuu Dawladdii Madiina ku dhisay xukun “talo-wadaag” ah, afartii khaliifba “الخلفاء الراشدون” wadadaas ayay ku joogeen. Hase yeeshee, intii ka dambaysay xukunkii wuxuu u xuubsiibtay boqortooyo dhaxaltooyo ah.

Iyadoo laga duulayo sooyaalka waayo`aragnimada Aadanaha iyo bisaylkiisa siyaasadeed, qarnigii labaatanaad waxay adduunyadu u soo badatay hanaanka ku dhisan doonista iyo doorashada dadweynaha, ee “dimuqraadiga” loo yaqaan, oo mabda`ii talowadaagga “الشورى” u sameeyay xeerar, habraacyo iyo hay`ado fuliya “Institutionalisation”. Wuxuu Aadanuhu sii garawsaday qiimaha talo-wadaaggu u leeyahay taabbagelinta dawladnimada iyo horumarka ummadda. Waxaa sii kobcaya kaalinta dadweynuhu ku leeyihiin ka talinta aayahooga iyo ka dhabaynta himiladooda. Waxaa la arkay in kelitalisku yahay “il sharku ka soo burqado”, kuna bulaalaan maamulxumada iyo dibudhacu. Sidaas darteed, waxaa laga sii guurayaa hanaan kasta oo ku dhisan keli-talis & awood-roorsi “dictatorship & totalitarianism”.

Waxaa xusid mudan, xilligan talo-wadaaggu waa tubta ay ku joogaan ummadaha horumarka ku naaloonaya; halka xukunka keli-talisku yahay aafada ugu daran ee ay eedeen ummadaha nolosha ku hagaasay, qayrkoodna ka haray.

Nebi Maxamed NNKH, oo uu hagayay waxyiga samaawiga ah, wuxuu Dawladda Madiina ku waday talo-wadaag iyo wada tashi joogto ah, si uu u sugo ahmiyadda tiirkani u leeyahay maamulka iyo dawladnimada.

Waa innoo qormada 3aad iyo mid kale oo ka mid ah mabaadiida iyo qiyamka uu Nebi Maxamed ku dhisay dhismaha ummadda iyo dawladnimada.

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.