Midowga Yurub oo ugu Deeqay € 4.5 Xasilinta Deegaanada Laga Xoreeyay Al Shabaab

Muqdisho (WDN)- Midowga Yurub ayaa deeq loogu talo galay xasilinta deegaannada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ugu deeqday Soomaaliya.

Deeqdan ayaa loogu talo galay in deegaannada laga saaray Al-Shabaab laga hirgeliyo dhismayaasha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Sidoo kale, mashruuca waxaa qeyb ka ah qabashada kulamo dibu- heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Waxaa marka hore lagu bilaabayaa magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews