Muqdisho, Juun 12, 2013 (WDN)- Madaxweynaha Jamhuurriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wafdi aad u ballaaran oo ka socda Midowga Yurub maanta kula kulmay magaalada Muqdisho, wafdigaas oo ah kii ugu ballaarnaa ee ururka Midowga Yurub ka socda ee Muqdisho soo gaara.
Wafdigan, oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan guddiga siyaasadda iyo amniga ee Olof Skoog, ayaa kulan saacado qaatay waxay xarrunta garroonka duyuuradaha ee Aden Cabdulle kula yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka mid ah golaha xukuumadda.
Dhinacyada, ayaa ka arrinsaday arrimaha nabad galyada iyo siyasadda dalka, iyadoo Midowga Yurub-na uu ballan qaaday inay sii wadi donaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Olof Skoog, oo saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in ay la dhacsan yihiin qaabka ay dowladda Soomaaliya hadda u waddo nidaamka dowladnimo ee dalka oo idil loogu hergalinayo, waxana uu sheegay in Midowga Yurub uu ka taageerayo dowladda dhinacyada ay u baahan tahay oo idil.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu dambeyn isaguna u mahad celiyay dowladaha Midowga Yurub iyo ururkoodaba, oo uu sheegay in taageerada ay siinayaan Soomaaliya xusuusnaan doonaan.
WardheerNews.com
Muqdisho, Soomaaliya
Leave a Reply