Muqdisho (WDN)- Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midowga Yurub, ayaa ansixiyey lacag gaareysa 120 milyan oo UERO in lagu daro taageeeradii dhaqaale ay siin jireen Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya ee ATMIS.
Taageerada dhaqaale ee uu siinayo Midowga Yurub Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa gacan ka geysan doona gunnooyinka Askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan sii wadista howlgalka lagula dagaalamayo kooxda argagixisada xag jirka Alshabaab.
Midowga Yurub ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay si buuxda u taageeraan xoojinta guulaha amni ee laga gaarey la dagaalanka argagixisada dalka Soomaaliya, waxa uuna intaas kusii daray inay ka go’an tahay taageerida Ciidanka Xoogga Dowladda iyo sare u qaadista tayadoda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.
Midowga Yurub ayaa ku bixiyey ciidamada nabad ilaalinta AMISOM/ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala tan iyo sanaddii 2007 adduun lacageed oo gaaraya 2.3 Bilyan oo EURO, waxaana intaa dheer tababarada iyo qalabaynta ay u samaynayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply