Muqdisho (WDN)- Tan iyo intii ay doorashooyinka muddo dhaafka ah ee Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ka billaabmeen dalka, waxa hadheeyay boob iyo musuqmaasuq, iyadoo habayaraatee aan wax tixgelin ah la siin sharciga doorashooyinka iyo habraaca nidaamka doorsashada dadban ee lagu heshiiyay (Indirect Election).

Dawlad gobolleedyada oo iyaga loo gacangeliyay maamulka doorashada iyo dawladda federaalka, ayaa u gacan banaannaaday ku takri fal awooddeed ( power abuse) xulashada xubnaha baarlamaanka , iyadoo meel la iska dhigayo sharciga iyo dastuurka dalka.
Taasi waxay sababtay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dawlad gobolleedyadu, koox waliba dadaal u gasho sidii ay ula soo bixi lahaayeen xildhibaananada ay iyagu wataan.
Doorashadii Aqalka Sare ayaa iyadu ku billaabmatay nidaam sharciga baal marsan, iyadoo aan la socono fadeexadihii ka dhacay ee murashixiin gaar ah loo xidhay kuraasta qaarkood, halka kuwo kalena ay la tartameen shakhsiyaad ay iyagu keensadeen shacabkuna u bixiyeen Waraabe – u taag iyo Minxiisyo. Taasi oo maamulka Jubaland uu horseed u ahaa dhaqankaasi.
Qaabkaaas sharci darada ee fooshaxun ee ay u dhacday doorashadii Aqalka Sare si la mid ah ayay iyana hadda ku socotaa doorashada Goloha Shacabku.
Waxaa nasiib darro ahayd in guddida doorashooyinka oo la rabay in ay ilaaliyaan nidaamka doorashadu, ayna wax tallaabo ah oo la taaban karo ka qaadin boobka iyo musuqmaasuqa aan gabbashada lahayn ee ay ku socoto doorashadu.
Haddaba Midawga Musharixiinta ayaa iyagu noqday kuwa keliya ee ka hadla qaabka gurracan ee lagu waddo doorashada baarlamaanka, iyaga oo soo saaray Warsaxafadeed ay ku sheegeen in aynan qeyb ka noqon doonin doorashada dadban ee Golaha Shacabka oo ka bilaabantay qaar ka mid Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo Doorashada Wakiilada Soomaaliland.
Midowga Musharixiinta ayaa ku sheegay doorashaooyinki Golaha Shacabka ee ilaa hadda qabsoomay in ay hadheeyeen musuq iyo boob, hase ahaatee waxa ay ka gabsadeen in ay ka hadlaan haba yaraatee doorashadii Golaha Aqalka Sare, oo sidoo kale iyana musuq, kuraas la xirto iyo boob ku sifowday (talking both sides of their mouth).
Waxaa habboon haddii ay rabaan Midawga Musharixiintu in dib loogu noqdo lana saxo khaladaadka iyo qaabka aan sharciga waafaqsanayn ee ay ku socoto doorashada golaha shacabku, in sidoo kalena ay lagamamaarmaan tahay in dib loo eego boobkii iyo musuqmaasuqii ay ku dhacday doorashadii Aqalka Sare.
Wardheernews
Leave a Reply