Kismaayo ( WDN)- Wararka naga noo gaadhaya weerarkii Hoteelka Madiina ( Ex-Cascasay), ee magaalada Kismaayo ay ku qaadeen ururka argagixisada Al Shabaab, ayaa sheegaya in dhimashadu ay tahay ilaa hadda 6 qof, halka dhaawacuna uu yahay 44. Dhaawacaasi oo isagu jira kuwo culus iyo kuwo fudud.
Waxa ku jira 3 qof oo u dhashay dalka Shiinaha (China), oo ay laba yihiin dhaawac culus.
Wararka ayaa sheegay in wali uu socdo hawlgalkii, dhawaaqa rasaastana la maqlayo.
Argagixisada Hoteelka gashay, waxa tiradodu lagu qouaasay ilaa sideed (8), iyada oo mid (1) ka mid ah la qabtay, kuwal kalena la dilay, ilaa haddan ay wali jiraan laba (2) ka dhex dagaalaymasa Hoteelka.
Ciidamada Jubbaland, ayaa ilaa hadda ku jira hawlgalka Hoteelka, sidii looga sifeyn lahaa argagixisada wali ku hadhay.
WardheerNews
Kismaayo
Leave a Reply