Muqdisho (WDN)- Meydadka dad hor leh aan la aqoonsan ayaa laga soo saarey dhismayaashii ku burburey qaraxyadii is xigey ee maalintii sabtida ahayd lala beegsadey xarunta wasaaradda waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegatey xarakada Alshabaab ee dagaalka kula jirta dawladda federaalka Soomaaliya.
Kooxaha gurmadka degdega ayaa weli wadda baaritaano xoogan oo lagu baadi goobayo dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha waxaana saaka waabarigii laga soo saarey dhismayaashaasi meydadka 4 ruux waxaana weli jira dad illaa iyo hadda la la.yahay.
Dhanka kale raisalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay isbitaalada Madiina iyo Banaadir halkaasi oo uu kusoo indho indheeyey dhaawacyada xarumahaasi la dhigey waxa uuna alle uga baryey inuu caafmaad deg deg ah siiyo dadkii ku dhinteyna uu alle samir iyo iimaan ka siiyo.
Xamse ayaa wacad ku marey in xukuumadda Soomaaliya ay u aargudi doonto dadka waxyeeladu kasoo gaartey qaraxyadii xooganaa ee gilgiley magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ee Alshabaab masuuliyadiisu sheegatey waxa uuna sheegay in Alshabaab falkaasi foosha xun lagula xisaabtami doono islamarkaana lasoo afjari doono isagoo tilmaamey in kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi uu guuleysan doono shacabka Soomaaliyeedna uu garab taaganyahay xukuumadiisa.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply