Md. Fahad Yaasiin oo si rasmiya ula wareegay hoggaanka Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed

Md. Fahad Yaasiin oo si rasmiya ula wareegay hoggaanka Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho (WDN)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilal cusub lagu macaabay Agaasimihii Madaxtooyada Md. Fahad Yasiin iyo taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Md. Fahad Yaasiin

Md. Fahad oo loo magacaabay ku Xigeenka  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (strategic positioning), ayaa wararku sheegayaan in hay’addaasi oo uu horey faraha ugula jirya, uu hadda si toos ah u maamuli doono, iyada oo aysan waxba iska badaleyn doorkii uu ku lahaa agaasinka Madaxtooyada (Villa Soomaaliya).

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa u qorneyd sida  hoos ku xusan;

  1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
  2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallac-siiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  6. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018a  waxaa uu Madaxweynuhu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo ku Xigeenka  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  7. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  8. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  9. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

 

WardheerNews