Garoowe (WDN)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid oo hadda booqasho ku jooga Puntland, ayaa ku jira ol’ole xooggan oo ku wajahan doorashooyinka Soomaaliya lagu wado inay ka dhacaan dhamaadka sanadkan.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii kaga ekaa Sebtember 10-keedii, islamarkaana ku jira tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dad badini aaminsan yihiin in ay wadaan falal lidi ku ah hantida qaranka , iyaga oo si ka baxsan shacriga ugaga faa’iidaysanaya hantida qaranka iyo awoodda dawladda, ol’olayaasha doorashooyinkooda.
Md. Cumar oo hadda deegaanada Qardho, Garoowe iyo Boosaaso ugaga jira ol’olaha doorashadiisa, ayaa dhamaan socdaaladiisaas kharashkeeda laga dhigaa in uu hawl qaran u socda.
” Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dekadddu si weyn u kobcaan. Waana muhiim in la casriyeeyo dekadda” ayuu sheegay Cumar mar u booqday dekadda Boosaaso.
Ilaa hadda ma jiro sharci ama wax xeer ah oo ka soo baxay hay’adaha ku lugta leh ilaalinta hantida qaranka, ee xiliga kala guurka doorashooyinka.
Cumar Cabdirashiid ayaa lagu xasuustaa muranka dhinaca xuduud baddeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo mas’uul ka ahaa saxiixa heshiikii is af garad ee DKMG la gashay Kenya.
Arintaas oo dhalisay in heshiiskassi uu gun dhig u noqda doodda dawladda Kenya horgeysay maxkamadda adduunka ee ku aadan muranka xuduud baddeedkaasi.
Wararka kale ee naga soo gaadhaya deegaanada Bari, ayaa sheegaya in Md. Cumar iyo Cabdiwali ay si aad ah faraha ugula jiraan sidii ay u soo xuli lahaayeen odayo –dhaqameedyo u nugul hamigooda siyaasadeed, balse aanan ka tarjumayn rabitaanka deegaanada iyo beelaha ay ka soo jeedaan ama matalaan.
WardheerNews