Md. Cali Ciise oo isu soo taagaya tartanka madaxweyanaha Puntland

Garoowe, Diisember 28, 20108 ( WDN)- Waxaa magaalo madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe, maanta soo gaadhay Dr. Cali Ciise, oo ah madaxa Machadka Geeska Africa ee Daraasaadka Arimaha Dhaqaalaha (HESPI). Md. Cali oo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u magacowday Madaxa Guddiga Dhaqaalaha kala Taliya DFS, ayaa horey uga mid ahaa aasaasayaashii Khaatumo.

Dr. Cali Ciise, Garoowe, Puntland

Md. Cali Ciise, ayaa la sheegay in uu socdaalkiisa Puntland la xidhiidho qorshe ku aadan in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Puntland oo bisha Janaanyo 8, 2019 haddii Rabi idmo ka dhici doonta Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada qorshayaal ay rabto in ay ku qabsato dhamaan Dowlad Goboleedbyada xubanah ka ah DFS, ayaa dad badani aaminsan yihiin in Md. Cali Ciise ay ka dambeyso, iyada oo wararku sheegayaan in maal gelin iyo taageero laxaad leh DFS siisay ama la garab taagan tahay madaxtinimada Cali Ciise ee Puntland.

Dad ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa u sheegay WardheerNews, in inkastoo DFS ay taageerayso musharaxiin badan oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland, hadda uu u muuqdo Md. Cali Ciise musharaxa uga taageerada badan dhinaca Dowladda Federaalka, ee Muqdisho.

Magaalada Garoowe iyo guud ahaanba Soomaaliya, ayaa dhawaanahan hadal heynta Md. Cali Ciise ee xilka madaxweynaha Puntland iyo taageerada uu DFS ka haysto, aad la iskula dhex marayay.

Md. Cali Ciise ayaa maanta ka gadaal markii uu ka soo degay garoonka Garoowe, khudbad kooban oo uu jeediyay si aan toos ahayn u sheegay in uu u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland.

Musharaxiinta Puntland, oo tiro ahaan kor u dhaafay 20, ayaa in badani aysan oofin karim shuruudaha uu dhigayo dastuurka Puntland Qodobka 78: Firqadiisa koowaad:
“ t- In uu leeayahy tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, dalkana ku sugnaa labadii sano ee u dambeysay ”.

Haddaba musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland, ayaa in badani aysan oofin karin shuruudda
(constitutional eligibility) dhigaysa in ay dalka ku sugnaa labadii sano ee u dambeeyay, iyaga oo in badan oo ka mid ah muasharaxiinta aynan dalka iman muddo ka badan laba sano.

Baarlamaanka cusub ee Puntland, ayaa haddaba la filayaa in uu kala saaro musharxiinta aan oofin karin shuruudaha sida uu qeexaya dastuurka Puntland, marka ay timaado diiwaan gelinta musharaxiinta.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.