
WardheerNews (WDN) – Ergeygii Gaarka ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsanaa urur goboleedka IGAD, Md. Maxamed Cabdi Afey , ayaa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee qaxootiga u qaabisan Soomaaliya hay’adda UNHCR.
Magacaabista Md. Afey ayaa ku soo beegmaysa wakhti xasaasi ah, iyada oo uu Afey, si aad ah lugta ugula jiray arimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maamul goboleedyada iyo doorashooyinka. Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca IGAD.
Warqad uu qoray madaxa UNHCR Md.António Guterres, ayaa lagu sheegay in Md. Afey xilkaasi cusub uu u magacaabay muddo lix bilood ah.
Qaxootiga Soomaaliya ayaa saameeyay deeegaanka Bariga Afrika, iyada oo qaxooti lagu qiyaasay 1 milyan (hal miyan) ay ku baahsan yihiin dalalka Kenya, Yugandha, Itoobiya iyo Jabuuti, islamarkaana 2.2 Milyan iyana ay wadanka dhexdiisa ku barakaceen.
Dhawaan ayaa Kenya ku dhawaaqday in ay celinayso qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan dalkeeda, islamarkaasna ay xirayso xerada Dhadhaab, oo qaxooti lagu qiyaasay 350,000 hoy u ah.
Dawladda Maraykanka, hay’addaha ku lugta leh qaxootiga iyo dalal badan oo ka tirsan caalamka, ayaa go’aanka Kenya ka soo horjeestay, inkasta oo ay Kenya ku adkeysatay celinta qaxootiga Soomaaliya, iyada oo cosdsatay in laga caawiyo sidii loo meel marin lahaa arinkaasi.
Waxa iyana jira in dhawan maamul goboleedka Jubbaland , oo ka mid ah goobaha lagu wado in qaxootiga lagu celinayo, ay sheegtay in aanay aqbali doonin qaxootigaasi, maadaama aynan jirin wax qorshe dib u dejin iyo dhaqaale dadkaasi loogu talo galay.
WardheerNews