Maxkamadda sare ee Kenya oo sheegtay in Uhuru Kenyata ku guulaystay doorashadii madaxtinimada

Maxkamadda sare ee Kenya oo sheegtay in Uhuru Kenyata ku guulaystay doorashadii madaxtinimada

Nayroobi, Kenya ( WDN) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa go’aan ka gaartay doorashadii madaxtinnimada dalka Kenya ee horraantii bishan March ka qabsoontay waddanka Kenya, iyada oo markaasi la shaaciyay in uu ku guuleystay guddoomiyaha isbahayisga Jubilee ee Uhuru Kenyatta.

Garsoorka maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in doorashadaasi uu ku guuleystay Uhurru Kenyatta, wiilka madaxweynihii ugu horreeyey ee Kenya ee Jomo Kenyatta.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya Kenyatta, ayaa la qorsheynayay in la dhaariyo 26-ka bishan March, laakiin dacwad ay geeyeen maxkamadda sare ee Kenya xisbiga uu hoggaamiyo raysal wasaaraha Kenya Raila Odinga ee ka dhanka aheyd guusha Kenyatta, ayaa dib u dhigtey waqtigii la dhaarin lahaa Uhurru Kenyatta.

Odinga, ayaa dacwadiisu ay ahayd in dooradhadii uu la galay Uhuru wax is daba marin lagu sameeyay, oo aan si sharci ah loo maamulin.

Madaxweynaha dooran ee Kenya Kenyatta, ayaa la dhaarinayaa 9-ka bisha soo socota ee April.

Jamaal A. Cismaan
WardheerNew.com
Nayroobi, Keynya

Leave a Reply

Your email address will not be published.