Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Maxkamadda Hargeysa waxaay ku xukuntay 3 sanadood oo xadhiga ah abwaan Naciima Axmed

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay maanta ku xukuntay abwaan Naciima Axmed Ibraahim sadex sanadood oo xadhig ah oo ay kaga xukuntay hadal la sheegay inay jeedisay iyada oo joogta Muqdisho. Sida ku qoran xaashida eedda hadalka lagu haysto Naciima waxaay ku tilmaantay xeer-ilaalintu mid ku ah “ceebayn iyo canbarayn qaranka.”

Naciima waxa laga xidhay gegida diyaaradaha ee Cigaal (Hargeysa) 27 January iyada oo u sii socota Muqdisho.

Naciima waxay Xeer-ilaalintu ku eedaysay “hawlo Qaranka ka dhan ah oo muwaadin ka sameeyo dalka debediisa (Qodobka 212 ee Xeerka Ciqaabta) iyo Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta).

Maxkamaddu waxaay sheegtay in lagu waayay eedda hore ee ah “hawlo Qaranka ka dhan ah oo muwaadin ka sameeyo dalka debediisa.” Balse in lagu helay eedda kale ee ah Ceebayn Qaran.

Eedu waxaay la xidhiidha hadalo ay xeer-ilaalintu ku sheegtay in canbaarayn ku yihiin “gooni isu tagga qaranka jsl {Jamhuuriyadda Somaliland}”, iyo inay ku sheegtay Somaliland “gobol.”

Xarunta Xuquuqal Insaanku aad bay uga walaacsan tahay xadhiga Naciima oo loo haysto wax la xidhiidha aragtideeda oo ay cabirtay. Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ilaaliyay xorriyadda ay dadku u leeyihiin inay dhiibtaan aragtidooda.

Xaruntu waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda. Aad baan uga walaacsanahay eedaha ay jeediyeen qareenadoodu oo ay ku sheegeen in si xun loola dhaqmay intay xidhnayd. Waxaanu codsanaynaa in baadhitaan madax-banaan lagu sameeyo.

Xaruntu waxaay ka codsanaysaa dawladda Jamhuuriyadda Somaliland in xorriyadeeda loo soo celiyo Naciima Axmed Ibraahim.

Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeisa Somaliland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.