Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Wariye Coldoon

Coldoon

Hargeysa; Maxkamdda Gobolka Maroodi Jees ee magaalada Hargeysa ayaa fadhi ay maanta yeelatay kaga dhawaaqday go’aanka dacwaddii loo haystay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isagu muddooyinkii ugu dambeeyay ku jiray xabsiga magaalada Hargeysa.

Md. Coldoon ayaa lagu soo eedeeyay inuu aflagaado u geystay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isagoo islamarkaana warar been ah oo wax loogu dhimayo sumcadda Dugsiga abaarso faafiyay.

Maxkamdda gobolka Maroodi Jeex ayaa Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xadhiga ka dib markii ay sheegatay in dambiyadaas lagu helay.

Qareenadii u doodayay Coldoon oo saxaafadda la hadlay ayaa si aad ah uga soo horjeestay xukunka lagu riday Cabdimaalik iyagoo islamarkaana ku tilmaamay mid caddaalad darro ah ayna ka qaadan doonaan racfaan.

Coldoon ayaa ahaa saxafi si aad ah ugu soo shaacbaxay caawimaadda dadka danyarta ah isagoo baahiyahayooda gaarka ah ku soo bandhigi jiray baraha bulshada si loo caawiyo.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.