Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday odayaal dhaqameedyo lagu soo eedeeyey la macaamilka Alshabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday odayaal dhaqameedyo lagu soo eedeeyey la macaamilka Alshabaab
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday odayaal dhaqameedyo lagu soo eedeeyey la macaamilka Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta  xukun shan sano (5) ah oo isugu jira xabsi ciidan iyo il ku haynta booliska ku ridday odayaal lagu soo eedeeyey la macaamilka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, sida uu warbaahinnta u sheegay guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Odayaashan ayay ciidamada amniga maamulka Galmudug waxa ay kasoo xireen magaalada Cadaado 27-kii bishii Desember sanadkii tegay, kadib markii odoyaashu heshiis ay kula soo galeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay xilligaas Alshabaab degmadaasi gacanta ku haysay.

Odoyaashan ayaa diiday amar dowladda federaalla ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin kooxda argagixisada ah ee  Al-shabaab, oo ay dowladdu dagaal xooggan kula jirto, waxa ayna odayaashani tageen degmada Xarardheere. halkaasi oo ay wadahadal is afgarad kusoo dhammaadey kula soo qaateen Alshabaab.

Odayaashan xukunka maxakamda lagu riday ayaa kale :
1. Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte),
2. Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo
3. Sugaal Warsame Cali Yarow

Xukunka maxkamada ayaa soo dhammaatay 15-ka bishaan Janaayo, waxaana maanta xukunkooda ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuutte.

Waxaa odayaashaan u furan in xukunka lagu riday in ay racfaan ka qaataan.

Maxamed Cumar,
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.