W/Q Axmed Sanwilwilo
1977dii ayay ahay markii qoraa Ingiriis ah oo ku caanbaxay cilmibaadhisyo khuseeya Itoobiya uu soo helay taariikh nololeed laga qoray Ibraahin Ismaaciil oo ahaa badmaax Soomaaliyeed oo ka soo jeeda xeebaha Maakhir. Dr. Richard Panchurst oo ah qoraaga qoraalkan soo helay waxa uu caruurnimadiisii wax ka deganaa guriga qoraa kale oo reer Biljam ahaa oo la odhan jiray Eugene Gespard Marin, ahna qoraaga uu Ibraahin noloshiisa uga waramayo, kaas oo uu muddo danbe isaga oo doon-doonaya arrimo ku saabsan ciyaar dhaqameedda Itoobiya uu soo xasuusanayo qoraa Marin, sidaasna uu dib ugu noqonayo guriga qoraaga. Qoraa Marin oo dhintay 1969kii ayuu gurigiisa tagayaaa waxa uuna la kulmayaa haweenay dhaxalkiisa haysa, halkaas ayuuna ka helayaa qoraalka taariikh nololeedka Ibraahin Ismaaciil oo loo yaqaano Ibraahin Uurcad. Sannadku markuu ahaa 1977 ayuu qoraalka baahiyay, kaas oo ka koobnaa shan qaybood oo lagu kala baahiyay laba cadad ( Early Somali autobiography by Richard Punkhrust) oo ka mid ah joornaal lagu magcaabo Afrika oo ka soo baxa dalka Talyaaniga.
Ibraahin iyo Eugène Gespard Marin (Gassie) waxa ay ku kulmayaan markooda u horraysa masaajid ku yaalla magaalada Cardiff oo dabcan ahaa mawlac yar oo uu nin Carab ah oo hudheel haystay ka smaystay xaga danbe ee gurigiisa. Maalin isaga oo Ibraahin iska jooga masjidka ayuu jikada ku arkayaa nin caddaan ah oo cunnokariyaha meesha la sheekaysanaya, isaga oo yaaban ayuu daf dhahayaa, cunakariyaha ayaana u sheegaya in ninkani xiisaynayo barashada diinta Islaamka, inkastoo uu Ibraahin xusayo in aanu diinta aqoon badan u lahayn haddana waxa uu isku dayayaa in uu u faa’ideeyo inta uu yaqaano, halkaas ayayna iskala jaanqaadayaan isaga iyo Marin. Marin ayaa Ibraahin ku casuumaya gurigiisa oo ku yaalla magaalada yar ee Whiteway ee Cotswold Hills ee dalka Iglan. Xilliyo kala duwan ayuu Ibraahin halkaa ugu tagayaa saaxiibkii, waxa uuna Marin ka codsanayaa Ibraahin in uu uga waramo taariikh nololeedkiisa, taas ayaana keenaysa in la helo taariikhda badmaaxa Soomaaliyeed ee Ibraahin. Xilli ku aadan 2013kii ayuu qoraa iyo tarjumaan Soomaali ah oo la dhoho Boodhari Warsame afka Soomaaliga u rogay sheekada Ibraahin, waxa uuna ku baahiyay shabakadda Wardheernews.
Si kooban haddii aan u dulmarno taariikhda uu Ibraahin kaga sheekaynayo noloshiisa, waxa ay noqonaysaa; waxa uu ku dashay deegaan aan ka fogayn xeebaha Maakhir (hadda Sanaag) ee Soomaaliya, si gaar ah uma xusna magaalada uu ku dhashay, waxa ayse u eg tahay in aanay ka fogayn Cadcado oo ah magaalo xeebeed qadiimi ah oo u dhow degmada Laasqoray oo hadda magac ahaan uun u jirta. Waxa uu dhashay gugii Deera Laaye oo ku aadan dhammaadka qarnigii 19aad. Isaga oo saddex sanno oo kaliya jira ayaa Aabihii lagu dilay dagaal dhex maray labada qabiil ee ay Ibraahin labadiisa waalid ka soo kala jeedaan (Aabihii; Warsangeli, Hooyadii; Dhulbahante), ka dibna waxaa soo korinaya oo kafaala qaadaya mid ka mida walaalihii oo geeljire ahaa. Sida uu xusayo, walaalkii Cabdille oo ah ninka kafaala qaaday aad ayuu ugu fiicnaa oo u xanaanayn jiray, muddo ka dib ayuuse guursanayaa. Waxaa korriinkiisa la wareegaya mid kale oo walaalkiis ah oo dabeecad xun uuna ka waayay naxariistii uu ka helay Cabdille, kolkaas ayuu ka tagayaa walaalkii wuxuuna iska dhiibayaa Cadcado oo uu ku ogaa Hooyadii. Nasiibdarrose waxa uu tagayaa Cadcado oo ay Hooyadii ka maqan tahay, bilo uu joogo ka dib ayuu Cadan oo loo ammaanay aadayaa.
Ibraahin isaga oo da’ yar ayuu bannaanka ku soo dhacayaa oo uu galayaa nolol is koris ah, waxa uu tagayaa dhulka Carabta oo uu ku noolaanayo nolol dayow ah oo raadinta quudku wax walba ka weyn tahay, nolol iska dibadjiif oo kale ah, muddo badanna waxa uu ku noolaanaya xariiftinimo magaalo; kol uu shaqo yar helo iyo kol uu isku dabaro habab aan wanaagsanayn. Marar dhawr ah ayaa Cadan iyo magaalooyinka ku dhow laga soo musaafurinayaa. Ibraahin mudadaa uu u dhexeeyo xeebaha Soomaalida iyo midda Yaman waxa uu qabanayaa shaqooyin kala jaad ah oo aan ka xusi karno; xooloraace (geel iyo adhiba u raacay carab), kalluunle, waardiye beer, shaqaale dooni, iibiye, xijiile, nadiifiye, shaqooyin dhismayaal iyo shaqooyin tira badan oo wada muruqmaal u badan.
Hawlahaas oo dhan kolka laga yimaado, xilli ku aadan 1914-15 ayuu Ibraahin noqonayaa badmaax, waxa uu raacayaa dooni uu masuul ka ahaa nin ay isku reer yihiin, doonidaas ayuu muddo ka shaqaynayaa, waxa uuna uga gudbayaa Markab dagaal oo uu Ingiriisku lee yahay, kaas oo shaqaale ka qoranayay Iran. Markabkaas dagaal oo qayb ka ahaa dagaalkii koowaad ee adduunka ayuu ka shaqaynayaa muddo hal sanno iyo dheeraad ah, waxa uu Ibraahin xusayaa in uu indhihiisa ku soo arkay argagaxa uu lee yahay dagaalka ilbaxu oo uu ula jeeday dagaalka laysu adeegsado hubka qarxa. 1918kii ayay ahayd markuu markabka dagaal ka degay oo dib loogu noolyay Cadan. Intii uu markabkaa saarnaa ama uu joogay Basra waxa uu Ibraahin maqlay meel Yurub la dhaho oo loo amaanay, waxa uu u haystay in ay Jabuuti ku xigto, markii uu Cadan ku soo noqdayna waxa uu u tabaabushaystay Jabuuti si uu Yurub u aado.
In door ah kolkii uu Jabuuti ku sugnaa oo uu nolosha la harjaday ayuu ku dhuuntay markab ka soo xirtay Shiinaha oo u socda Yurub, muddo ayuu sii saarnaa oo kolkii lagu ogaaday in uu ku soo dhuuntay markabkana waxaa ciqaab looga dhigay in lagu shaqaysto. Inta ay jidka ku sii jireen waxa uu markabku mar ku hakaday Masar, halkaas oo ay isaga iyo rag kale oo ku soo dhuntay u malaynayeen in ay Yurub tahay, ayna damcayaan in ay ku hakadaan umase suuragalayso, way ka tagayaan waxayna sii marayaan dalal kala duwan, safar dheer ka dib, waxa uu markabku ku xiranayaa magaala ku taalla Faaransiiska halkaas oo uu Ibraahin ku degenayo.
Faransiiska si wacan ayaa loogu soo dhawaynayaa, shaqooyinka kala duwan ayuuna halkaa ka shaqaynayaa, muddo ka dib, ayuuna shaqo u raadsanayaa Markab Ingiriis ah maadaama ay ka lacag badnayd tan Faransiiska, waxa uuna tagayaa Landhan (London) oo uu markiiba uga gudbayo Cardiff oo uu maqlay in ay Soomaali badan joogto. Cardiff ayuu u badnaanayaa joogisteeda, waxa uuna kala kulmayaa dhacdooyin kala duwan oo tirabeella oo ay ka mid tahay dagaal dhex maraya caddaanka magaalada iyo madowga oo Soomaalidu ku jirto ee magaalada, waxa uuna khibrad u yeelanayaa cunsuriyadda sarraysa ee waqtigaa ka jirtay Yurub. Aakhirkana magaalada Cardiff oo uu muddo degnaanayo ayay Ibraahin isku baranayaan Marin, qoraa Marin ayaana halkaa kaga codsanaya in uu uga sheekeeyo noloshiisii hore, taas oo sababtay in uu qoraalkani ina soo gaaro.
Taariikhdaa sare waa dulmar aan ku sameeyay sheekada xiisaha badan ee Ibraahin Uurcad, qofkii aad u xiisaynayana aan kula talin lahaa in uu akhriyo sheekada oo dhammaystiran, Ibraahinna uu si faahfaahsan uga waramayo noloshiisa. Waxa aan doonayaa in aan inta danbe ku xuso, waxa lagala bixi karo sheekada Ibraahin iyo in aan isku dayo in aan isla eegno waxa laga baran karo, fasirna guudna saarno hab fikirkii Ibraahin ee waqtigaa iyo sida uu u yaalay xaalka Soomaalidu.
Sheekada Ibraahin waxaa laga baranayaa sidii ay u noolaayeen Soomaalida xilligiisa joogtay, si gaar ahna Soomaalida xeebalayda ah ee ku noolayd xeebaha Maakhir. Waxaa laga taransanayaa magacyada deegaanada xeebaha u badan ee dhulkaa ku yaalay iyo dhulka bannaanka ah ee looga xagaa baxo xeebaha. Qofka akhriya waxaa u sawirmaysa sida ay dadkaasi u ahaayeen kalluumaysato, xoolo raacato, beeralay iyo xijiyaysato. Waxaa laga dhadhansanayaa sida uu deegaanku ugu wacnaa dhinacyadaa kala duwan. Waxa cajiibka ah ee laga dhex arkayo ayaa ah, qofka ku nool xeeb in uu si iskiis ah isaga noolaan karo, marar badan ayay Ibraahin saacidaysaa baddu oo isaga oo aan ehel iyo dad haysan uu ku baxsanayaa kalluunka uu ka soo jilaabanyo badda oo aan ugu kacayn wax qiime lacageed ah. Sidoo kale, waxa laga fahmayaa sheekada sida Soomaalidu isu bixin jirtay oo duruufaha ka hor yimaada ay ugu samaysan jireen xal ay noloshu bartay, kuwaas oo ay ka mid tahay habka laysu daaweeyo. Waxa uuna Ibraahin inoo sawirayaa sida uu ahaa dhaqanka Soomaaligu kolka la joogo martisoorka oo aad ka dareemayso in habka loola dhaqmo martida ay Soomaalida dhexdeeda ku waynayd siiba wanaajinteeda, isla dhaqankaasna ay Soomaalidu la tagtay Yurub iyo dalalka ay nolosha bideen. Inkastoo ay mar walba qabiil ahaan isu xigxigsanayeen, haddana waxaa meesha ka muuqata in isa sooryayntu ay qiime sare oo wanaag ah ka joogto dhanka Soomaalida. Waxyaabo badan oo ku saabsan habdhaqanka Soomaalida, ayaa laga dhadahansanayaa bilow illaa dhammaad, inkastoo ay jiraan dhaliilo iyaguna aan yarayn oo waqtigaa ka dhex jiray Soomaalida uuna qoraagu xusayo.
Halkan ka akhri maqaalka: Maxaynu Ka Baran Karnaa Ibraahin Ismaaciil Uurcad
Axmed Sanwilwilo
Email: Ahmadek2018@gmail.com
Leave a Reply