Maxay siyaasiyiinta Soomaaliyeed uga heshiin Wwaayeen khilaafaadkooda?

Maxay siyaasiyiinta Soomaaliyeed uga heshiin Wwaayeen khilaafaadkooda?

W/Q Nuur Xasan Guure (Nuuradiin)

Mar kasta oo khilaaf siyaasaddeed ka dhaco Soomaaliya, waxaa la sugaa diyaaradda dhexdhexaadinta shisheeye oo Muqdisho soo degaysa. Maanta waa Turkiga; shalay waxay ahayd Itoobiya, Masar, Kenya iyo Qaramada Midoobay. Su’aasha aan weligeed laga jawaabin ayaa ah: maxaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed u diiddaya inay khilaafaadkooda ku xalliyaan miiska wada-hadalka, iyaga oo aan u baahnayn faragelin ama dhexdhexaadin dibadeed?

Jawaabtu ma aha mid fudud. Waxay ku xiran tahay arrimo is biirsaday oo muddo dheer soo jiray: 1) loollanka awoodda siyaasaddeed, 2) kalsooni darrada joogtada ah ee ka dhex jirta dhinacyada, 3) fadhiidnimada hay’addaha dowladda, 4) dastuur aan weli laysku raacsanayn iyo 5) dhaqan siyaasaddeed aan ku dhisnayn tanaasul iyo wadaagista awoodda.

Caqabadda ugu weyni waa kalsooni darrada qotada dheer ee u dhaxaysa hoggaamiyeyaasha. Marka dhinacyadu aysan isku kalsoonayn, heshiis kasta waxaa lagu arkaa xeelad ku meel gaar ah, halkii laga arki lahaa heshiis qaran oo waara. Taasi waxay adkaysaa in la helo wada-hadal joogto ah, ka hor inta uusan khilaafku isu beddelin ismariwaa siyaasadeed.

Sababaha sii xoojiya rabitaan la’aanta heshiska waxaa ka mid ah in tanaasulka marar badan loo arko calaamad muujinaysa tabar-darro ama guuldarro siyaasadeed, halkii looga arki lahaa aalad lagama maarmaan u ah dhismaha dowladnimo waarta. Hoggaamiyeyaal badan ayaa ka baqa in tanaasulku wiiqo saameyntooda siyaasadeed ama uu dhaawaco taageerada ay ka haystaan xulafadooda, taas oo keenta in dhinac walba uu mudnaanta siiyo meel kudhega  macangagnimo ah, halkii uu ka dooran lahaa heshiis qaran oo waara.

Taariikhduna waa markhaati. Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Sodere, oo Itoobiya lagu qabtay intii u dhaxaysay dabayaaqadii 1996 iyo horraantii 1997, wuxuu dhaliyay Golahii ladhihi jiray Badbaada Qaran, balse wuxuu ku fashilmay maqnaanshaha kooxo muhiim ah oo qaadacay shirka. Shirkii Sanca ee Yemen kama soo qaybgelin dhammaan dhinacyadii khilaafka ee lafilaayay , waxaana diiday kuwii ka maqnaa. Shirkii Qaahira ee 1997, in kasta oo ay saxiixeen wakiillo gaaraya 28 dhinac, haddana heshiiskiisii lama hirgelin, dalkuna wuxuu ku sii jiray hoggaan la’aan mudo dheer. 

Sannadahan dambena isla qaabkaas ayaa soo noqnoqday. Wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, ee uu Turkigu dhexdhexaadinayay laga soo bilaabo 2013-kii, waxay socdeen in ka badan toban sano iyaga oo aan waligood dhalin heshiis la taaban karo. Xitaa maanta, waxaa la sheegayaa dadaalka dhexdhexaadinta ee Turkigu ka wado Muqdisho inuu hakad galay — mana aha cillad ka timid dhexdhexaadiyaha, ee waa khilaaf Soomaalidu dhexdeeda isku hayso su’aal aasaasi ah: yaa matalaya mucaaradka? Sideese loo dhisayaa wada-hadalka? Tani waxay caddaynaysaa in cilladdu aysan ahayn dhexdhexaadin la’aan, ee ay tahay rabitaan siyaasadeed oo xaddidan iyo kalsooni darro aan weli laga gudbin.

Waxaa kale oo muhiim ah in la fahmo in khilaafka Soomaaliya uusan ahayn mid qabiil oo keliya. Xaalado badan, dhinacyada siyaasadeed ee is haya waxay ka soo jeedaan bulsho isku dhaqan iyo deegaano isku dhow ah, taas oo muujinaysa in muranku inta badan ku saabsan yahay cidda gacanta ku haysa hay’adaha dowladda, sida loo qaybsanayo awoodda, iyo jihada mustaqbalka dalka.

Waxaa intaas dheer in khilaafaad badan oo soo noqnoqda ay salka ku hayaan arrimo dastuur iyo awood-qaybsi oo aan weli si buuxda loogu heshiin. Dastuurka dalka oo aan wali muwafaqo lagu ahayn, iyo qeexitaan la’aanta ka jirta awoodaha hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo dowlad-gobolleedyada, ayaa marar badan horseeda muranno ku saabsan cidda leh awoodda sharciyeed iyo sida loo maamulayo arrimaha masiiriga ah ee dalka. Inta aan arrimahan salka u ah khilaafaadka si waara loo xallin, waxaa adkaan doonta in la helo xasillooni siyaasadeed oo joogto ah.

Sababta khilaafaadku marar badan u soo noqnoqdo waxay sidoo kale la xiriirtaa fadhiidnimada hay’addaha lagu maareeyo murannada siyaasaddeed. Dalalka leh nidaamyo adag, khilaafaadka waxaa xalliya dastuur si cad loo wada aqbalay iyo hay’addo madax-bannaan oo lagu kalsoon yahay. Soomaaliya se, iyadoo dastuurkeedu weli muran kajiraa isla markaana aan si buuxda loogu heshiin qaybsiga awoodaha u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo dowlad-goboleedyada, muranno badan ayaa ku dambaynaya gorgortan siyaasadeed halkii ay ka mari lahaayeen hannaan sharciyeed oo qeexan. Taasi waxay sii xoojisaa ku tiirsanaanta dhexdhexaadiyeyaasha dibadda mar kasta oo khilaaf cusub soo baxo.

Run ahaantii, taageerada beesha caalamku door weyn bay ka qaadatay dib-u-dhiska hay’addaha dowladda iyo horumarinta amniga. Hase yeeshee, dowladnimo waarta laguma dhisi karo taageero dibadeed oo keliya. Dowladda xooggan waxay ku dhisan tahay sharciyad gudaha ah, kalsoonida shacabka, iyo awoodda ay hoggaamiyeyaashu u leeyihiin inay khilaafaadkooda ku xalliyaan heshiis ay iyagu leeyihiin.

Dhexdhexaadintu waxay fududeyn kartaa wada-hadalka, waxayna abuuri kartaa jawi lagu kulmo, balse waligeed ma beddeli karto rabitaanka siyaasadeed ee xubnaha kaqayb galayaasha ah.  Taariikhda dalalka dunida waxay marar badan muujisay in xasilloonida waarta la gaaro marka hoggaamiyeyaashu danta guud ka hormariyaan danaha gaarka ah, ayna aqbalaan tanaasulka lagama maarmaanka u ah dowlad-dhisidda.

Si kastaba ha ahaatee, waayo-aragnimada Soomaaliya lafteedu waxay muujinaysaa in heshiisyo waaweyn la gaari karo marka ay jirto rabitaan siyaasadeed iyo dareen mas’uuliyadeed oo dhinacyadu wadaagaan. Taas macnaheedu ma aha in xalalka gudaha ay fudud yihiin, balse waxay caddeynaysaa in mustaqbalka dalka aanu ku xirnayn awoodda dhexdhexaadiyeyaasha shisheeye, ee uu ku xiran yahay sida ay Soomaalidu u dhisato kalsooni, hay’ado shaqeeya iyo dhaqan siyaasadeed ku salaysan tanaasul iyo isla xisaabtan.

Xalka dhabta ah ee Soomaaliya kama iman doono Ankara, Addis Ababa, Nairobi ama New York. Wuxuu ka iman doonaa Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Beledweyne iyo meel kasta oo ay Soomaalidu ku go’aansato inay si wadajir ah uga shaqeyso mustaqbal ay iyagu leeyihiin.

Su’aashu ma aha cidda dhexdhexaadinaysa Soomaalida. Su’aashu waa goorma ayay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed aqbali doonaan in dowladnimo waarta aysan ka dhalan guusha hal dhinac, balse ay ka dhalato heshiis ay dhammaan dhinacyadu leeyihiin. Maalinta ay taas dhacdo, Soomaaliya waxay qaadi doontaa tallaabada ugu weyn ee dhanka dowladnimo, xasillooni iyo isku filnaansho siyaasadeed.

Taariikhdu waxay markaas diiwaangelisaa in xalka Soomaaliya aanu ka iman dibadda, balse uu ka dhashay go’aan ay Soomaalidu iyadu gaartay.

Nuur Xasan Guure (Nuuradiin)
Email: nurgure87@gmail.com  
——
Nuur waa qoraa ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.