Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MAXAY KU KALA DUWANAAYEEN SYL IYO SNL?

W.Q. LIIBAAN AXMAD

Xuska sanadguuradii lixdanaad ee qaadashada gobanimada iyo unkiddii midowga waxay dad badan ku  dhaliyeen su’aal ku saabsan kala duwanaanshaha  ururradii  Somali Youth League ( SYL ) iyo Somali National League (SNL). 

Dr Afyare C. Cilmi,  oo wax ka dhiga Jaamacadda Qadar,  ayaa su’aal ka keenay sida gaarka  ah oo loo maamuuso dhallinyaradii ku midowday SYL,  ururkii gobanimaddoonka Soomaaliyeed. “Xisbiyada waddaniga ah ee u halgamay  dalka, lana diriray qabyaaladda waxaa ugu horreeyey Somali National League (SNL) oo la asaasay 1935 (Lewis, 1958). Wax sheegaya ma arag. SYL (1943) uunbaa la bogaadinayaa oo la buunbuuninayaa. Anigu ma fahmin. Ma aqoon-xumaa? Ma ilduuf baa?” buu Afyare ku qoray farriin Twitter ah.  

Waxaa farriinta Twitterka ah ee Afyare  la socday sawirka qayb ka mid ah warqad  cilmiyeed  uu qoray I. M. Lewis (mootan), oo ahaa xeeldheere dhaqanka iyo  taariikhda siyaasadeed ee Soomaalida ka hor  iyo kaddib madaxbannaanida. Warqaddu waxay ku doodaysaa in SNL lahayd sees beeleed. Waa doodda uu Lewis si faahfaahsan ugu soo bandhigay buuggiisa A Modern History of the Somali. Lewis wuxuu qoray in mudaaharaadyo lagala hor yimid xafiiskii SYL, oo afartamaadkii laga furay Hargeysa ( bogga 135). Wuxuu ku tilmaamay ujeeddada furitaanka xafiiska mid beel ka mid ah beelaha Hargeysa dega kaga falcelinaysay go’aan maamulkii Biritishku gaaray si shaqooyinka maxmiyadda aan loo kala sadbursanin. Muxuu ku saleeyay?     

Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa 1965kii daabacaaddii kowaad ee buugga Lewis ku gorfeeyay Dalka, wargeys bille ahaa.  Saleebaan wuxuu dhaliilay sida Lewis taariikhda gobanimoddoonkii Soomaaliyeed, gaar ahaan tan Waqooyiga, ugu ekeeyey 1920kii.  Waxaa jira dhaliilo  ka dambeeyay tan Saleebaan kuna aaddan sida Lewis u shaqogalay cilmibaare ahaan.  Lidwien Kapteijns, oo ah taariikhyahanad wax ka dhigta Wellesley College, waxay ku doodday in cilmibaarista Lewis ku salaysnayd xog laga ururiyay dad gumeyste ku hoos jiray, dhaliil guud ahaan loo soo jeediyo xeeldheerayaashii maaddada antaroboolaji (anthropology)  oo cilmibaarisyo ka sameeyay bulshooyin aan madaxbannaani siyaasadeed weli gaarin.  

SYL waxay billowgeedii ku dhisantay kulammo dhallinyaro Soomaaliyeed oo kala beelo ahaa ku yeesheen Muqdisho billowgii afartamaadkii. Magaca SYL waxaa kor u qaaday mowqifkoodii caddaa in Soomaalidu madaxbannaani gaarto iyo mabda’oodii la dagaallanka haybta beeleed. Ururradii ka soo horjeeday SYL way taageersanaayeen madaxbannaani hase ahaatee ku biirista ururradii la loollamayay SYL waxay ku salaysnayd hayb beeleed. Habka xubinnimada SYL wuxuu u fududeeyay ururka inuu xafiisyo ka furto magaalooyin kala duwan sida Hargeysa, Kismaayo, Jowhar, Beledweyne, Gaalkacyo, Boosaaso, Berbera iyo Jigjiga.  

SYL waxay xoogga saartay la dagaallanka haybta beeleed

SNL, sida Lewis  qoray, waxay lahayd magac kale markii la asaasay 1935kii. Sababaha ururkii SNL taariikhdiisa u aasan tahay ilaa hadda way badan yihiin. Waxaa ka mid ah: 1- Biritayn oo u aragtay dhaqdhaqaaq gobanimaddoon mid saamayn karay heshiiskii ay beelaha Soomaaliyeed qaarkood la gashay. 2- Firfircooni siyaasadeed oo muuqata waxay wiiqi lahayd kaalintii madax-dhaqameedyada (Aqils) waxayna halis ku noqon lahayd qorshihii Biritishu ku bixiyay Dhulka Hawdka sanadkii 1954kii.  Ra’iisal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu sanadkii 1968kii khudbad ka jeediyay Royal African Society. Wuxuu si cad u sheegay  Biritayn inay jebisay heshiiskii ay beelaha Soomaaliyeed la gashay  iyo in dhul Soomaaliyeed uu cadcad uu siiyay Imbaradooriyaddii Itoobiya oo ay heshiisyo qarsoodi ah la gashay. Waa dood sharciyeed oo weli taagan. Cabbaas Idiris ( oo la oran jiray John Drysdale) qorayna buugga caanbxay, The Somali Dispute, wuxuu u ololeyn jiray waxkabeddelista heshiisyada caalamiga ah. Wuxuu ogaa in jebinta heshiiskii Biritayn la gashay beelaha Soomaaliyeed tahay arrin aan la iska indhotiri karin iyo in, sida Cigaal, soo bixi doonaan dad ballanfurkaas saamaynta xun reebay si qotodheer wax uga qori doona. 

Ururkii SNL wuxuu la waqti ahaa United Somali Party iyo National United Front. SNL wuxuu lahaa wargeys af Carabi ku soo bixi jiray (Qarn Al Ifriiqiya)  oo xitaa ay rukunteen Soomaalidii ku nooleyd Cadan (oo waagaas loo yiqiin The Crown Colony). 

Michael Mariano waxaa lagu xusuustaa geesinamadii uu muujiyay markii uuNew York iyo London tagay si uu uga hor yimaado go’aankii dhulka Soomaaliyeed loogu wareejiyay Imbaradooriyadda Itoobiya

Waxaa maamule tafaftireed  wargeyska ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal; Cumar Cabdiraxmaan (Cumar Dheere) wuxuu ahaa tafaftiraha wargeyska. Maamulkii Biritishka ee Hargeysa cadaadis buu saaray SNL waayo faallooyinka lagu soo qori jiray baa abuuray in “dagaal saxaafadeed u dhexmaro wargeyska iyo wargeysyada Itoobiya”. Wargeys kale baa jiray oo la oran jiray Al Liwa.  SYL may lahayn wargeys u gaar ah. Wargeyskii Il Corriere della Somalia baa Muqdisho uga  dhigmay War Somali Sidihi, ka hor midowgii.  Waxaa la joogaa waqtigii ay soo bixi lahaayeen taariikhyahanno u duuban baarista taariikhda ururradii SNL, USP iyo NUF.

Liban Ahmad

[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.