Muqdishu (WDN)- Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada cusub ee lagu wado in uu u soo magacaabo dawaladda dhawaan uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaare Xasan Khyre, uu ku jiri doona Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Batroolka Md. Maxamed Mukhtaar.
Sababaha loo soo celinayo Wasiirkaasi Xukuumaddi Xasan Sheekh, ayaa wararku sheegayaan in ay ku lug leedahay si loo illaaliyo dano gaar ah oo ku aadan heshiisyo uu waday Wasiirkaasi hore, kuwaasi oo laf dhabar u ahaa heshiika shirkada Soma Oil and Gas, oo uu Xasan Kheyre saami ku lahaa kana tirsanaa hawl-wadeenadeeda.
Md. Maxamed Mukhtaar oo aad ugu dhawaa Xasan Sheekh, islamarkaana horey u waayay in uu xubin ka noqdo Baarlamaanka Soomaaliya, ka gadaal markii guddiga doorashoyinka Jubbaland ku heleen isdabamarteyn iyo masuqmaasuq.
Arinkan soo laabashada Maxamed Mukhtaar, ayaa hadii uu noqdo mid dhab ah, dhirbaaxo weyn ku noqn doona tiirarkii ugu weynaa ee loo doortay Madaxweyn Farmaajo ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
WardheerNews
Leave a Reply