Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaan ka baran karnaa Booqashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ee Puntland?

Qore: Liibaan Axmed Shire*

Booqashadii uu dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ku yimid Puntland waxaa lagu soo dhoweeyey si heer sare oo aan loo kala harin, waxayna muujisay taagero niyadda kasoo go’day, shacabkuna soo dhawayntaasi kama lahayn dano u gaara aan ka ahayn dareen ka dhex-guuxaya oo ah inay u heelanyihiin dolwad dhexe oo awood leh oo shaqaysa, sharaftii, karaamadii, iyo kala danbeyntiina dib u soo celisa.

Waxaa ifaafale wanaagsan muuijinaya in shacabku bisayl dhinac walba ah gaaray, uuna ka gudbay wax inuu ku qiimeeyo waxyaala aan dan ugu jirin (sida qabiil iyo danaysi ) oo aan saamayn toosa ku yeelanayn oo aan taabanayn nolashiisa.

Shacabku maanta waxa uu gaaray heer wax uu ku qiimeeyo, yaa daacad ii ah? yaa dareenka ila wadaaga? yaa nolashayda wax ka baddalaya?, yaa haybaddi iyo sharaftii dowladeed soo celinaya?, yaa amnigayga sugaya? yaa ii fududeynaya gooba caafimaad tayo leh oo aan awoodo? yaa waxbarasho tayo leh oo dadku wada awoodaan hirgalinaya oo uusan qofna uga baaqsanayn waxbarashada inuu sabool yahay?

Booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Farmaajo ku marayay deegaanada kala duwan ee Puntland oo loogu magacdaray “Socdaalkii dib-u-heshiinta” Waxaa iiga soo baxay in;

1. Gobollada Puntland ay ku wayntahay Somaalinimada, u qareemidda midnimada ummadda, ku hal-adkaanta wixi danta guud ah oo in badani cod iyo cududba ay ku muujiyaan hirgalinteeda,taasina waxaa nagaga filan dhacdooyin badan oo ku taxan sooyaalka taariikheed ee na soo maray waxaana ka xusi karnaa.

· Halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxmed Cabdalla Xasan saldhig waxaa u ahaa Gobollada Puntland , bilawgii halgankaasi soo dhowayn balaadhan ayuu kala kulmay degaanka, markuu halgankiisi kaweeciyay tubtii toosnayd , seeftiisii cadawga ku wajahnaydna ay noqatay mid maatada shacabka iyo maxasta lagu warjeefo, tani waxay keentay in aan loo dulqaadan goboodfalladii, waxaana lagaga hor yimid guluf dagaal, waana sababtii ugu waynayd ee keentay in ay soo afjaranto dagaaladii uwaday Sayidku.

· Waxaa kaloo xusid mudan in Puntland taageero aan kala har lahayn ay umuujiyeen shirkii dib uheshiinta ee Carta iyo dowladdii ka dhalatayba , C/llaahi Yuusuf oo Puntland hoggaaminayay waqtigaa ayaa isku dayay inuu hor istaago rabitaanka shacabka taasina waxay kala horyimaadeen diidmo go’aankii uu ka qaatay hoggaankii markaa jiray,

Waxaa nasiib darro noqotay in dowladdii Carta ee loo hanwaynaa ay ku horkuftay jilaaftooyin ay maleegan qabqablayaal markaasi awood ku lahaa caasimadda , C/qaasimna dhiniciisa ayuu qayb ka ahaa burburkaa , kadib markuu ka weeciyay maamulkiisa hadafki loo dhisay uuna ka qayb qaatay weerarkii lagu qaaday Kismaayo oo beelaha u dhaxeeyay, tani waxay keentay in shacab waynaha Puntland ay kala laabtaan kalsoonidi ay siiyeen C/qaasim.

Hordhacaas ka bacdi, xilli taariikheedkan taagan markale ayey reer Puntland waxay cusboonaysiinayaan halganka ay ugu jiraan raadinta dowlad Soomaaliyeed oo shaqaysa, waxayna si la yaab leh oo kal iyo laab ah , qiiro wadaniyadeed ku dheehantahay u soo dhoweeyeen Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaa iswaydiin mudan , shacabku taageerada intaa le’eg ay umiijiyeen maxaa keenay ? waa maxay farriinta ku dahsoon taageeriddaan soo wada jiidatay indhaha guda iyo dibadba? maxay kusii socon kartaa, maxaase caqabad ku noqan kara?

Su’aalaahaas iyo kuwa ka badanba waa kuwa ka dhex-guuxaya muwaadin kasta oo jecel rabana inuu arko dowladnimadii oo ka guuleystay fowdada dowlad la’aanta.

Taageeradaa waxa ay ku timid ka dib marki madaxwaynaha la arkay daacadnimadiisa, niyad wanaagiisa, inay dadka u simanyihiin iyo inay ka go’antahay haybaddii iyo sharaftii ummadda inuu dib u hanto.

Shacabka Puntland waxay direen farriin xambaarsan dhambaallo wadaniyadeed Inay horumuud u noqonayaan waddo kasta oo saxsan oo dowladnimo lagu baadi goobayo.

Inaysan aqbalayn mucaarad danayste ah oo shilimaadku uu kala mug weynyihiin Dowladnimada iyo Qaranimada.

Waxyaalaha fashilin kara maamulkaan oo uu ku waayi karo Madaxwaynuhu shacabiyadda uu ka kasbaday shacab weynaha waxaa ka mida:-

· Asagoo ka run sheegi waaya qorshayaashii uu shacabka la wadaagay oo la yimaada ficillo hareer marsan wixi laysla ogaa.

· Dhulkuu maray Madaxweynuhu waxaa looga baahanyahay horumar mashaariiceed sida waddooyin laamiya, dekado, garoomo diyaaradeed, dugsiyo, isbitaalo, iyo wax allaale wixii dowlad adeeg bixin jirtay haddii laga waayo oo dowladdisu fadhiid ku noqoto Muqdisho ayaduna waxay keenaysaa rajo beel iyo fursad kale oo naga lunta, saas daraadeed bay magaalo kasta uga codsanaysay Madaxweynaha inuu mashaariic u dhagax dhigo.

· Kooxdii kala shaqeysay inuu ku guulaysto Madaxweynanimada, oo ka awood bata madaxwaynaha lana soo baxa qorshayaal u qarsoonaa oo ay ku mashquulaan hanti aruursasho iyo boob , colaadin beeleed iyo u adeegidda dan shisheeye.

Xiligaan la xardhay qormadaan waxaa dhow Sanad jirsigii xilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo illaa hadda tubta toosan baan cagta ku haynaa ilaahay waxaan ka rajaynaynaa dowladnimo sax ah iyo caddaalad na wada deeqda.

Qore: Liibaan Axmed Shire*
Email: [email protected]

*Agaasimaha Macahadka geeska Afrika ee horumarinta iyo cilmi baarista


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.