Thursday, December 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Maxaa laga filayaa doorashada Madaxweynaha iyo Ururada ee Somaliland, 2024

Hargeysa (WDN)- Doorashadii madaxweynaha iyo ururada ee ka qabsoontay Somaliland 13/11/2024, ayaa guud ahaan ku soo dhamaatay si nabadgelyo ah. Dorashada ayaa aheyd tii uu horeysay ee mar la wada qabto, doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha oo ay u tartameen 3 xisbi, iyo ta urururada noqon doona 3da xisbi , oo ay iyana u tartameen 7 urur oo cusub iyo 3 dii xisbi qaran ee hore jiray.

Madaxweyn Musse Biixi iyo Cabdiraxmaan Ciro

Doorrashaddan ayaa kaga duwan doorashooyinkii hore uga dhic jiray Somaliland dhowr arimood oo ay ugu horeyso in goobaha codbixinta qaarkood loo adeegsado sawirka isha, kaasi oo dedejiyey muddada uu codixiyuhu ku dhiiban karo codkiisa. Sidoo kale waxa ay doorashadani kaga duwaneyd doorashooyinkii hore iyada oo ay codbixiyayaashu hal mar u wada codeeyeen musharaxa madaxweynaha, ku-xigeenka madaxweynaha iyo ururka ka mid noqon doona 3da xisbi qaran ee Somaliland yeelan doonto.

Saadaasha Natiijada doorashada

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf,  ayaa markii ay soo gebagebowday codbixinta doorashadu, warbaahinta u sheegay nidaamka ay u dejiyeen tirinta codadka la dhiibtay iyo muddada ay filayaan in ay ku soo gebabowdo.

Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in marka codbinta goobuhu soo xidhanto in tirinta codadku ka bilaabmayso isla goobaaas codka laga dhiibtay, ka dibna looga gudbi doono heer degmo, Marka natiijada degmado ay soo baxdo waxaa loo gudbayaa heer gobol, kadiba ilaa xaruunta dhexe ee guddiga. Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, ayaa qaadan doonta toddobo cisho.

Warbixinta aan ilaa hadda ka helayno, hawlwadeenada xisbiyada iyo ururada u jooga goobaha ay tirinta codadku ka qabsoontay iyo kuwa ay weli ka socotaba, ayaa nala wadaagay in gobolada Sanaag, Sool, Togdheer iyo Awdal uu ku horeeyo Musharaxiinta madaxweynaha iyo M/Kuxigeenka ururka Wadani, halka kuwa kulmiyena ku horeeyaan Gobolada Saaxil iyo Maroodi-jeex.

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Xisbiga Ucid.

Dhanka xisbiyada iyo ururada ayaa iyana la saadilinayaa in xisbi ahaan u soo gudbaan Wadani iyo Kulmiye, halka ururada Kaah, Horseed iyo hilaac uu mid kamid ahi ka mid noqon doona 3da xibi qaran ee Somaliland yeelan doonto.

Waxa la filayaa in Musharaxa Xisbiga wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), uu noqdo madaxweynaha cusub ee Somaliland, oo markaasi laga guuleysto Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo 7 sano ah Somalilland hoggaanka u hayay. Xisbiga Ucid ee uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale la filayaa in uu hadho, oo uu ka baxo nidaamka xisbiyada Somaliland.

Murashaxiinta tartamaysa oo hadlay ayaa muujiyay in ay aqbalayaan marka ay soo baxdo natiijada doorashadu.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga tirada guud ee ay kala heleen musharaxiinta iyo xisbiyada/ururadu tartamayey, waxana uu komishanka doorashooyinka iyo hawlwadeenada xisbiyada iyo urarurada tartamayey ka digeen in la baahiyo natiijo aan ka soo bixin guddida doorashooyinka Somaliland.

WardheerNews,
Hargeysa


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.