
Muqdishu (WDN)- Madaxweynaha dhawaanta la doortay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si KMG ahaan ugu igmaday xilka maareynta hawlaha Madaxtooyada maamulka cusub (Villa Somalia): 1) Gamaal Xasan, oo ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya, 2) Taabit Maxamed, oo ah Safiir xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka iyo 3) Siyaad Maxmauud Shire oo ah Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.
Mas’uuliyiintan ayaa Madaxweyne Farmaajo u igmaday maareynta hawlaha madaxtooyada xiliga kala guurka (interim period), iyaga oo kulamo kala gedisan la yeeshay hawlwadeenadii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wali ma cadda in Gamaal, Taabit iyo ay Siyaad ay si rasmi ah ugu soo wareegi dooaan Madaxtooyada Madaxweyane Farmaajo, iyo in ay dib ugu laaban doonaan xilalkoodii hore ka gadaal marka ay gutaan xilkan cusub ee loo igmaday.
Madaxweyne Farmaajo oo shacbiga Soomaaliyeed ay si wacan u soo dhaweeyeen doorashadiisa, ayaa dad badani isha ku hayaan qofka uu u doorto xilka Ra’iisal Wasaaraha. Arikankaasi oo soo af jari doona dooddaha ka taagan wax qabadka looga fadhiyo Dawladda Madaxweyne Farmaajo.
Dad badan oo indha indheeya arimaha Soomaaliya oo ay WardheerNews wax ka weydiisay rajada laga qabo tayada dawladda uu soo wado maamulka Farmaajo, ayaa sheegay in dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay si isku mid ah, oo niyad san u soo dhaweysay Madaxweyne Farmaajo, balse ay ka sugayaan Ra’iisal Wasaare iyo Xukuumad tayo leh. Iyaga oo hoosta ka xiriiqay in loo baahan yahay in ay soo xulaan dad xirfad, waayo aragnimo iyo aqoon leh, oo aan aheyn dadkii horey loo soo tijaabiyay ee ku guuldarraystay xilalkooda.
WardheerNews
