Washington (WDN)- Sharci ka soo baxay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump, ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhamaan socdaalka dadka u dhashay todoba (7) wadan oo Muslim ah.Wadamadaasi oo kala ah: Soomaaliya, Iiraan, Ciraaq, Yemen, Suudan, Siiriya iyo Liibiya in ay soo galaan dalka Maraykanka. Sharcigan ayaa markii ugu horeysay laga dhaqan geliyay magaalada New York, iyada oo halkaasi lagu xidhay dad ka soo degay garoonka JFK oo u dhashay Ciraaq.

Dadkaasi ayaa waaxda socdaalka Maraykanku xidhay ka dib markii ay ka soo dageen garoonka JFK, hase yeeshee ka gadaal la soo daayay iyada oo ay u dacwoodeen xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Maraykanka oo laga soo doorto qeybo ka mid ah magaalada New York.
Soomaaliya oo ka mid ah dalalka uu sharcigaasi qabanayo, ayaa dadka u dhashay ee haysta baasasboorka Soomaaliya, aanan loo ogalaan doonin in ay soo galaan Maraykanka,.
Sidoo kale dadka haysta sharciga degenaanshaha Maraykanka ee loo yaqaan “Green Card”, ayaa haddii ay ka baxaan Mayrakanka aanan loo ogolaan doonin in ay dib u soo galaan.
Sharcigan ayaa lagu wadaa in dib loo eego muddo saddex billod gudahood ah, kadib marka u dhaqan galo.
WardheerNews
Leave a Reply