Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, ma filayno in uu indhaha ka qarsan karo xaaladda cakiran ee dalku maanta ku sugan yahay . Sodon sano (30) kadib burburkii dalwadda dhexe ee Soomaaliya, waxa uu dalku marayaaa marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyada oo uu mugdi badan hareereeyey geedi-socodkii dowladnimo.

Waxa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowlad-nimada, sida Golahii Baarlamaanka iyo Garsoorka, oo shaqadoodii dastuuriga aheyd ee ilaalinta sareytna sharciga iyo kor-joogtenyta (rule of law and oversight), baal maray.
Waxaa dayac noqday dhammaan adeegii bulshada. Dadka Soomaaliyeed in kabadan 70 % waxay ku nool yihiin meel ka hooseysa khadka saboolnimada. Jaan-tuska lagu cabbiro nolosha dadyowga dunida, (189 dowladood), Soomaaliya waxay tirsiga kaga jirtaa dalka 185-aad. Waxaa dalka ka jirta shaqo l’aan baahsan, oo sare u dhaaftay 70%. Sidoo kale 75 % da’-yarta Soomaaliyeed ma helaan fursad waxbarasho.Taasi oo dhalinaysa mugdi ku hareereysan mustaqbalka dalka. Waxa jira qaxooti Somaaliyeed oo kor u dhaafay hal malyan iyo barakacayaal dalka gudihiisa ah oo lagu qiyaasay 2.6 millyan, oo u badan dad nugul oo biri-mageydo ah.
Sidaas daradeeeded waxa waajib inagu ah in aanu isku taagno samatabixinta dalka.
Haddaba waxaan ka codsanaynaa dhamaan shacbiga Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaatan abaabulka Manifesto II inta aanu soo bixin Baaqa, oo la soo saari doono dhawaan, wakhtiga, waanu idinla wadaagi doonaa haddi Eebe idmo.
Fadlan iska diiwan geli Manifesto II.
Booqo: Facebook- Manifesto-2