Maleeshiyada Al Shabaab oo Dagaal La’aan kula Wareegtay Deegaanka Garacad ee Puntland

Maleeshiyada Al Shabaab oo Dagaal La’aan kula Wareegtay Deegaanka Garacad ee Puntland

Maleeshiyaad ka tirsan urrurka Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay makhribnimadii caawa la wareegeen deegaanka Garacad oo ka tirsan degmada Jirriiban ee gobolka Mudug ee qaybta ay ka arrimiso Puntland.

Maleeshiyaadka Al Shabaab oo watay doonyo ayaa la sheegayaa in ay dhinaca xeebta ka soo galeen magaalada Garacad iyagoo islamrkaana gebi ahaanba la wareegay magaalada iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin

Odoyo ka tirsan deegaanka Garacad oo saxaafadda gudaha la hadlay ayaa sheegay in maleeshiyaadka magaalada soo galay tiradoodu gaadhayso ilaa kun qof iyadoo dadkii magaalada ku noolaa badankiisuna ay ka qaxeen oo ay hadda ku suganyihiin magaalada bannaankeeda.

Lama soo sheegin ilaa hadda cid ay waxyeello ka soo gaadhay dhacdadan ay Al shabaab kula wareegatay deegaanka Garacad.

Dhanka kale maamulka Puntland ayaan ilaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin arrintan iyadoo wararka qaar sheegayaan in ciiddamada Puntland ee ku sugan deegaannada ku dhaw Garacad heegan la geliyay.

Sida dhibta yar ee ay maleeshiyaadka al Shbaab uga soo degeen xeebaha Puntland ayaa waxay muujinaysaa habacsanaanta ka jirta hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka u qaabilsan Puntland.

Urrurka Al Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sii kordhiyay qarraxyada iyo hawlgallada ay ka fulliyaan Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo waxyeello ba’ani ka soo gaartay dad shacab ah iyo ciiddamada AMiSOM gaar ahaan kuwa ka socda waddanka Kenya ee ku sugan gobolka Gedo.

Waa markii ugu horreysay ee ay maleeshiyaadka Alshabaab la wareegaan magaalo ay ka taliso Puntland iyagoo hore ugu lahaa goobo ay ku dhuuntaan buuraylayda Galgala.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo xilligan uu madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Md. Cabdiweli Maxamed Cali uu waddanka ka maqanyahay, xaflado iyo damaashaadna loogu samaynayo magaalooyinka ay Soomaalidu ku badantahay ee ku yaal  waqooyiga Maraykanka.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.