Muqdisho (WDN)- Waxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa Madaxwaynihii ugu horeeyay ee KMG, kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Cali Mahdi ayaa ahaa ganacsade iyo siyaasi, isagoo ka mid ahaa saxiixayaashii bayaankii Manifesto ee 1991 talada lagu siiyay xukunkii askarta ee uu hogaaminiyay Siyaad Barre, si looga badbaadiyo Sooomaaliya dagaal sokeeye iyo burbur la soo darsa, heshiisna lala galo jabhadihii hubaysnaa ee ka soo horjeeday xukunkii Siyaad Barre.
Md. Cali Mahdi Maxamed waxa uu hormuud ka haa DKG sanadkii
1991 -1995, iyada oo wakhtiyadaas ay dalka la soo gudboonaadeen marxalado adag iyo dagaallo sokeeye.
Waxaan Alle uga baryaynaa marxuumka in uu naxariistii janno siiyo, ehelka iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan.
Aamiin