Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xamse Cabdi Barre u magacaabey Ra’iisal Wasaare

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhawayd u magacaabey Xamse  Cabdi  Barre Ra’iisal Wasaaraha xukuumadiisa oo in muddo ahba laga dhawr sugayey in uu ku dhawaaqo.

Md. Xamse ayaa lagu tariyaa shaqsiyaadka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh, waxa uuna hore usoo noqdey xoghaya guud ee xisbiga UPD ee Madaxweyne Xasan gudoomiyaha u yahay sanaddii 2011-2017.waana shakhsi aad u dagan oo khibrad u leh dhanka maamulka iyo maareynta.

Md. Xamse ayaa ka soo qabtey xilal kala duwan oo ay ka mid tihiin la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Sidoo kale Xamse ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacadda Kismaayo isagoo gudoomiye ku xigeen kasoo noqdey.

Raysal Wasaaraha cusub ayaa waxaa hor yaala xaaladda guud ee dalak ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo abaaraha oo u baahan qorshe wax ka qabad.

Xamse ayaa sheegay in uu soo dhiso doono xukuumad tayo leh.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews,