Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn hab maamuus sare leh, loogu sameeyay aqalka madaxtooyada Turkiga ee Ankara. Halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac oo lagu soo dhaweenayay.

Md. Xasan Sheekh ayaa dhigiisa kulan la qaatey Md. Turkiga Recep Tayib Erdogan, kaasi oo diiradda lagu saarey kobcinta iskaashiga labada dal ka dhaxeeya iyo sidii dowladda Turkiga qeyb uga noqon lahayd higsiga dawladda cusub ee dib u heshiisiinta, wax ka qabashada abaaraha iyo la dagaalanka kooxda xagjirka Alshabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amaanay kaalinka uu ka qaatey horumarinta kaabayasha dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga xoogga leh uu ku sameeyey, waxa uu sidoo kale madaxweynaha ka mahad naqay taageerada amni ee Turkiga siiyo Soomaaliya sida tababarka iyo qalabaynta ciidamada xoogga dalka, isagoo soo booqdey xarunta tababarka ay ku qaataan ciidamada gaarka Soomaaliya ee Sparta.
Turkiga ayaa ah dal saamayn ballaaran ku leh Soomaaliya, isagoo taageero dhinacyo badan ah siiya dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kalena Turkiga waxa uu ka mid yahay dalalka maalgashiga ku leh Soomaaliya, waxaana aad sare ugu kacey ganacsiga iyo badeecadaha ka yimaada Turkiga.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho