Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Health & Social Affairs
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in laga helay xanuunka Covid 19

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qirey in laga helay cudurka Covid 19 markii uu dib ugu soo laabtey magaalada caasimadda ee Muqdisho, oo baaritaano lagu sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay dagantahay, isla markaana uu gudanayo waajibaadkiisa shaqo, isagoo raacaya hab raaca caafimaadka ee la xariira xanuunka Covid 19.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19” ayuu ku yiri qoraal kooban uu soo saarey madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka madaxweynaha ee ku aadan in laga helay xanuunka Covid 19 ayaa waxa uu xaqiijinayaa wararka tilmaamayey in sababta keentey in booqashadii uu ku tagey dalka isu taga Imaaraatka Carabta ay dheeraatay, taasi oo qaadatey maalmo badan waxaana arinkaasi lagu macneeyey kadib markii la sheegay in xanuunka Covid 19 laga helay qaar ka mid ah wafdiga madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha ee Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa ahaa safarkii kowaad ee uu dalka dibada uga baxo tan iyo intii uu xukunka la wareegay. Safarkaasi oo ujeedadiisu aheyd sidii dib loogau soo celin laaa xidhiidhka labada wadan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, oo aad u xmuuday intii Madaxweynii hore Farmaajo dalka hoggaanka u hayay.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.