Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar degdeg ah ku gaarey magaalada Kampala

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar degdeg ah ku gaarey magaalada Kampala
Soo dhaweyntii madaxweyne Xasan

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku aaddan xoojinta iyo garab istaagga kacdoonka dalka lagaga saarayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee Alshabaab, kula yeelanaya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda madaxweynaha dalkaas Yoweri Musevini, si uu taageero heer gobol ah ugu helo howlgallada ciidamada dawladdu wadaan  ee ka dhanka ah Alshabaab.

Madaweyne Xasan Sheekh ayaa si heer sare ah loogu soo dhawaeeyey garoonka caalamiga ah ee Intebe , waxaana inta  uu booqashada ku joogo dalkaasi kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dalkaasi oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, isagoo kala hadli doona iskaashiga labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Uganda ay uga gacan siin lahayd dawladda Soomaaliya ka mirodhalinta kacdoonka ka dhanka ah Alshabaab oo iminka bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in ay gacan ka siiyaan ciidamada xoogga la dagaalanka kooxdaasi.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo magaalada Kampala ka qeybgeli doona xuska sanadguuradii 60-aad ee markii Uganda ka xorowday gumeystihii Ingiriiska 9 bisha Oktober 1962.

Kulankii madaxweynaha iyo culimada

Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa maanta inta uusan u kicitamin dalka Uganda, waxa uu kulan la qaatey culumaa’udiinka Soomaaliyeed, isagoo ka codsadey in ay kaalinkooda ka qaataan kacdoonka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, bulshadana ay ku dhiirigeliyaan in ay ka dhabeeyaan kacdoonka ay billaabeen ee kooxdaasi looga soo horjeedo, waxa uuna amrey wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta in ay qabanqaabiso kulan weyne culumaa’udiinka Soomaaliyeed la isugu keenayo, kaasi oo diiradda lagu saarayo fahamsiinta bulshada khatarta kooxda Alshabaab isla markaana loo mideeyo aragtida culimada ee ku aaddan hawlgaladan dawladda Soomaaliya waddo.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.