Madaxweyne Xasan Sheekh oo qudbad ka jeediyey Shirka ka hortagga Burcad badeedda ee ka furmay Dubay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qudbad ka  jeediyey Shirka ka hortagga Burcad badeedda ee ka furmay Dubay.

has2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta  qudbad ka jeeediyey  furitaanka shirka ka hortagga Burcad Badeedda oo maanta ka furmay magaaladda  Dubay ee Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda,  ayaa  marka hore u mahad celiyey dowladda Imaraadka Carabta oo sanad walba qabata Shirkan iwaxaanu yidhi, ” Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda Imaraadka shirkan iyo fahamka qatarta burcad badeedda”.

has“ Dowladda Soomaaliya  diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan geliyo  muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo  kuwa kalaba” ayuu yiri Madaxweynaha.

has3Shirkan oo sigaar ah loogaga hadlayo sanadkan ka hortagga burcad badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awood ka hortagta, ayaa  madaxweynahu ka sheegay in xalka Burcad-badeeddu  yahay xoojinta iyo taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota waddamada daneeya  arrimaha Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka carabta  Sheekh Cabdullah Bin Sayed, waxa uuna kala hadlay xiirirka labadda dalka.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.