Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan dawladiisu, ayaa maanta ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho xilli si aad ah loogu xusey munaasabadda 1-da Luulyo ee Midowga labada gobol ee Woqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha oo hadal kooban goobta ka jeediyey ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed” Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”.
Md. Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsadey in ay isu gaargaaraan gaar ahaan marxaladdan adag ee lagu jiro isagoo sheegay in loo baahanyahay in si wada jir ah loogu gurmado malaayinta Soomaaliyeed ee qarka u saaran macluusha.
Tan iyo markii uu Madaxweynuhu la xanuunsadey cudurka Covid 19 oo muddo laba maalin ka hor uu sheegay inuu ka bogsoodey, waa markii ugu horeysay oo goob fagaare ah uu madaxweynaha kala hadlo shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Aadan Cumar
WardheerNews, Muqdisho