Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale u magacaabey Yuusuf Madaale gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale u magacaabey Yuusuf Madaale gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Muqdisho (WDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-jeedinta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, xukuumadda federaalka & Dib u Heshiisiinta ayaa u magacaabay Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale , guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale Maadaale ayaa horey xilka maamulka gobolka Banaadir u soo qabtay.  Wareegtada magacaabista ah ee uu madaxweynaha soo saarey ayaa  dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, in Alle uu u fududeeyo masuuliyaddaan culus, waxa uuna  kula dardaarmey inuu si dhaw ula shaqeeyo hay’ddaha dowladda ee ay shaqa wadaagta yihiin.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.