Madaxweyne Xasan Sheekh oo la caleemo saarey

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xaflad ballaaran oo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacdey lagu caleemo saarey. Xafalddaasi oo ay kasoo qeybgaleen wufuud caalami ah oo isugu jirta madaxweynayaal, ra’iisal wasaarayaal,wasiiro iyo safiiro.

Munaasabada xafladda caleema saarka Madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey ka soo qeybgalka wufuudda caalamiga ah ee munaasabadda caleema saarkiisa. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dawladiisu ay iskaashi iyo xiriir saaxiibtinimo la yeelan doonto dhamaan caalamka iyo dal kasta oo ilaaliya isalmarkaana aan ku soo xadgudbin madaxbanaanida Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale madaxweynuhu ka hadlay xaaladaha abaaraha iyo la dagaalanka Alshabaab isagoo sheegay in dawladiisu muhimadda 1-aad ay siinayso u gurmashada dadka abaaruhu saameeyeen iyo hawlgalo ka dhan ah Alshabaab-na dawladiisu qaadi doonto si loo xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta dawladda.

Madaxda kasoo qeybgashay xafladdaan ayaa hadalada ay jeediyeen waxa ay kusoo dhaweeyeen dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna balan qaadeen in wada shaqayn buuxda dawladda cusub ee Soomaaliya la yeelan doonaan.

Madaxweynah Jabuuti Md. Ismaaciil Cuamr Geelle ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay walaalahooda Soomaaliyeed mar kasta la grab taagan tahay taageero dawladda cusub, islamrkaana Soomaali isku tashato oo shisheeye ka maaranto.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo ka mid madaxdii munaasabadda hadalada ka jeediyey, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana uu kala shaqayn doono dib u hagaajinta xiriirka labada dal.

Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Jabuuti iyo Raiisal Wasaarayaasha Itoobiya iyo Masar oo soo gaarey Muqdisho. Waxaa maanta magaalada Muqsdisho garoonka calaamiga ah ee Aden Adde International Airport kasoo dagay

Waxaa xaflada Caleema Saarka ka soo qeyb galay wufuud badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaasha wadamada Jabuuti  Md. Ismaciil Cumar Geelle, Kenya Uhuru Kenyata, Raiisal Wasaarayaasha Itoobiya iyo Masar iyo wufuud kaleeto oo matalay dalalka saaxiibka la ha Soomaaliya.

Waxaa si heersare u soo dhaweeyey wufuudaasi ka qeyb gashay xafladda Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.