Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka golaha wasiirada oo looga hadlayo hawlgalada Alshabaab ka dhanka ah ka qeybgalay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka golaha wasiirada oo looga hadlayo hawlgalada Alshabaab ka dhanka ah ka qeybgalay

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadiisa Md. Xamse Cabdi Barre shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaasi oo maanta si gaar ah diirada loogu saarey dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Alshabaab iyo sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu hayaan ee ku sugan deegaanada la xoreeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farey wasaaradaha ay arrimahan khuseeyaan in ay si degdeg ah ku gaarsiiyaan deegaanada laga xoreeyey Alshabaab dhamaan adeegyada bulshada asaasiga u ah, sidoo kalena la kordhiyo dadaallada gurmadka loogu fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanada hawlgaladu ka socdaan.

Golaha Wasiirada ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyey dhamaan ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka ee hormuudka ka ah la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee ka socda gobolo badan oo dalka ka tirsan, waxa uuna goluhu xusey in ay taageero dhanwalba ah u fidin doonaan dadka deegaanka ee Alshabaab dagaalada kula jira.

Ka qeybgalka madaxweynaha kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo la dagaalanka Alshabaab diiradda lagu saarayey ayaa muujinaya sida dawladda Soomaaliya u danaynayso in lasoo afjaro xadgudubyada kooxdaan argagixisada ah ku hayso umadda Soomaaliyeed iyo jiritaankeeda.

Maxamed Cusmaan
WardheerNewsm, Muqdisho