![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/11/xasansheekh.jpeg)
Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay guddiga Qaran ee La dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT), waxa uuna faray dardargelinta qorshaha lagula dagaalamayo ilaha dhaqaale ee maalgeliya kooxda argagixisada ah ee taabacsan shabakadda weyn Alqaacida ee Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan ayaa aad ugu dheeraadey dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna xusey kaalinta muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka kooxdaasi.
Guddigan Qaran ee la dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka hortaga maalgelinta argagixisada ayaa la aas-aasay sanadkii 2016-kii, waxaana xubno ka ah oo ku mideysan hay’ado dhawr ah oo ay ka mid yihiin hay’adaha dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, waxa ayna madaxweynaha warbixin ka siiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah qatarta la macaamilka kooxda argagixisada Alshabaab.
Xasan Sheekh ayaa markale ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha argagixisada Alshabaab, waxa uuna xusey in shaqsigii dhaqaale siiya uu kaalin ka qaatey qaraxyada iyo xasuuqa loo geysanayo ardayda, hooyooyinka, iyo waxgaradka shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in loola macaamili doono sida argagixisada.
Madaxweynaha ayaa guddiga faray in la dardargeliyo qorshaha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta hay’adda la dagaalanka Khataraha maaliyadeed ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF), waxaana kulanka qeyb ka ahaa ra’isalwasaaraha xukuumadda federaalka Md. Xamse Cabdi Barre, wasiirrada maaliyadda,amniga gudaha, ganacsiga iyo warshadaha, caddaaladda, guddoomiyaha bangiga dhexe, agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, xeer ilaaliyaha guud iyo agaasimaa hay’adda warbixinada maaliyadeed (FRC).
Maxamed Cumar Sheekh Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply