Madaxweyne Xasan Sheekh oo dawladiisu qorshe cusub ku wajahayso Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka sheegay dalka Turkiga oo uu booqasho rasmi ah ku joogo in dowladiisu diyaarisey siyaasad cusub oo lagu wajahayo dhaqdhaqaaqa Alshabaab oo qeybo badan oo Koonfurta Soomaaliya ka arrimiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Md. Xasan Sheekh ayaa tilmaaay in dowladda Federaalka ay weli diyaar u tahay in ay la wada hadal la gasho kooxaha Alshabaab ka tirsan ee doonaya in ay kooxdaas ka haraan falalka gurracan ee ka dhanka ah  bulshada iyo dowladnimada.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamey in Dowladda Federaalku doonayso in ay Alshabaab ku wajahdo qorshe seddex siyaasaddood oo kala ah mid 1) milatari ama xoog 2) dhaqaale iyo 3) mid fikir.

Kaasi oo dhawaan bulshada dareemi doono dadaalada dawladda ee la xariira amni kusoo dabaalidda dalka.

Md. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay si ay u guulaystaan in dadaalladda lagula diriraayo argagixisada in Dowladda Federaalka hirgelinayso dib u heshiisiin ballaaran oo looga gudbayo wixii gabood fallo ahaa ee hore bulshada u dhex marey.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.