Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey, kadib booqasho maalmo qaadatey oo uu ku tagey dalka Ereteriya. Madaxweyne Xasan ayaa heshiisyo dhinacyo badan taabanaya kusoo saxiixey dallkaasi Ereteriya, isagoo sidoo kale soo kormeerey ciidamada xooga dalka oo tababarka loo geeyey dalkaasi.

Heshiiska labada madaxweyne ay saxiixeen oo si rasmi ah ah loo shaaciyey ayaa qodobada la isla afgartey waxaa kamid ah :
1. In la dhiirageliyo xiriirka labada dal iyo is dhexgalka muwaadiniinta labada dal.
2. In la xoojiyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo xiriirka diBlomaasiyadda, si horumar looga gaaro danaha qaran ee labada dowladood.
3. In labada dowladood ay sameeyaan iskaashi xoog leh oo dhinaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ah, kaasi oo ka kooban maalgelinta ganacsiga, si gaar ah arrimaha beeraha, wax soo saarka badda, caafimaadka iyo waxbarashada.
4. In lasii ambaqaado iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshada ku dhaqan dalalka dhaca gobalka geeska Africa.
5. In la horumariyo iskaashiga arrimaha difaacka iyo iskaashiga arrimaha amaanka si labada dal ay u xaqiijiyaan deganaanshiyaha yo xasiloonida.
6. Iskaashiga dhinacyada dhaqanka ,ciyaaraha iyo horumarinta aaladaha casriga ah ee lagu wada xariiro.
7. Dhiiragelinta iskaashiga iyo horumarinta arrimaha deegaanka iyada oo diiradda la saarayo isbadalka cimillada iyo ka hortaga musiibooyinka dabiiciga ah.
Is afgaradkan ayaa waxa ku jira in iskaashiga Geeska Afrika ee sadex geesoodka ee wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya, oo horey ay walaac uga muujiyeen siyaasiyiin, wax garad Soomaliyeed iyo mucaaradkii Dowladdii Farmaajo oo uu ku jiray Md. Xasan Sheekh.
Sidoo kale arinka ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u joogay Ereteriya, ayaa dhawaan la filayaa in dalka ay dib ugu soo laabtaan, iyadoo sanadihii lasoo dhaafey mugdi hadheeyay xaaladdooda.
Nuqulka isafgaradka hoos ka akhriso:

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply