Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Kampala, Yuganda. Halkaasi oo ay booqasho 3 maalin qaadanaysa uga bilaabatey, waxaana garoonka calaamiga ah ee Entebbe ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Yuganda Md. Odongo Jeje Abubakhar.

Md. Xasan Sheekh ayaa inta uu ku suganyahay Kampala kulamo kala duwan la qaadan doonaa dhigiisa Yuganda Uweri Museveni iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, waxa ayna ka wada hadli doonaan sare u qaadida iskaashiga labada dal ka dhaxeeya iyo sidii dowladda Yuganda qeyb uga noqon lahayd dadaalada kor loogu qaadayo tayeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Yuganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Yuganda oo dalkaas ka furmi doona, iyadoo ganacsatada iyo xeeldheerayaasha dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka.
Dowladda Yuganda ayaa ka mid ah dalalka saamaynta ku leh siyaasadda Soomaaliya waxaana ciidamo xoog lehi ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo gacan ka siiya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Alshabaab, waxaana booqashada madaxweynaha Soomaaliya lala xiriirinayaa sidii taageero dheeri ah uu uga heli lahaa hoggaanka Yuganda maadaama madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay guluf ballaaran oo ka dhan kooxda Alshabaab dhawaan ciidamadiisu in ay qaadi doonaan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
