Madaxweyne Xasan Sheekh oo baarlamaanka la hadlay iyo taliyayaal cusub oo la magacaabay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baarlamaanka la hadlay iyo taliyayaal cusub oo la magacaabay

culusowMuqdisho, May 02, 2013 (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hortagay barlamaanka Soomaaliya, halkas oo uu ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Md. Xasan Sheekh oo hadalkiisa ku billaabay booqashadiisii Puntland, ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamul ku dayasha mudan oo khibrad u leh hannaanka federalka, sidaa datreedna uu ku dayasho mudanyahay.

Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa, sheegay in Puntland oo la dhisay 1998-dii uu ku soo aadday xilli dalka aysan ka jirin dowlad dhexe sidaa darteedna ay ku dhiirradeen in ay wax qabsadeen, mudda dheerna ay sidaa ku soo shaqeynayeen, waddadaasi ay Puntland martayna waxa uu ku sheegay mid ku dayasho mudan maadaama wax kasta oo wanaag sameeya ay mudanyihiin ku dayasho.

Mar uu ka hadlay arrimaha shirka Kismaayo ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga dhigo shir dib u hishiisiin ah oo dadka leeysugu keeno, markaasi wixii lagu hishiiyana la sameysto, wuxuuna yiri mar uu ka hadlaayay arimaha Shirka magaalada Kismaayo sidan “Maaha shirkaasi mid wax wanaajinaya, Xumaan unbuu soo kordhinayaa haddii xumaan timaadana fursadda ugu horreysa Shabaab ayaa helaya”.

barlMadaxweynaha ayaa ku baaqay in wax waliba laga hor mariyo danta shacabka Soomaaliyeed oo ah dad in muddo ah dhibaato ku jiray mid kalana aan loo horseedin ee wax la wanaajiyo.

Waxa uu intaa raaciyay, “Shabaabku waxa ay ka faa’iideystaan goobaha dadku isku fahmi waayaan sida shirka Kismaayo oo haddii ay dadka ku heshiinin ay dhici karto in ay wax yeelo ka geystaan halkaasi, waayo inta badan kooxdan waxa ay sameeyaan oo ay ka faa’idaan marka ay timaaddo in ay isku dhacaan dad markii hore doonaayay in ay wax sameystaan”.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda Soomaaliya marnaba aysan gorgortan ka geli doonin hannaanka geeddi socodka nabada Soomaaliya  iyo dastuurka ay u dhaarteen cid kasta oo qalqal gelineysana ay ka hor tegi doonaan.

Dhinaca nabad galyada iyo howl gallada caasimadda ay maalmahan ciiddanku ka wadeen, ayuu sheegey Md. Xasan Sheekh inay yihiin kuwa lagaga hortagayay qaraxyo la soo abaabulay, oo ay Shabab doonayeen inay caasimadda ka geystaan.

Dhinaca kale waxaa maanta golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ay magacaabeen taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo loo magacaabay Jen. C/kariin Siciid Daahir (Saacid) iyadoo taliyaha ha’yadda Nabadsugidda Qarankana loo magacaabay, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Arrintani ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii dhawaan Shariif Sheekhuna Maye iyo Axmed Macalin Fiqi xilalkooda si kala gooni gooni ah isaga tageen, oo ay istiqaaladdoodiina u gudbiyeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews.com
Muqdisho Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.