Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah xilka ula wareegey

Munaasabaddii xilwareeejinta

Muqdisho, Madaxweynaha dhawaan la doortey Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib xaflad ballaaran oo saaka ka dhacdey aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha xilka banneeyey oo munaasabadda xilwareejinta hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey waxqabadkiisa intuu talada hayey, isagoo tilmaamey in uusan ku takri falin hantida dadweynaha isla markaana aanu bixin dhulka iyo dhismayaasha dawladda.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku wareejiyey galka askartii tababarka loogu qaadey Eriteriya, waxa uuna xusey in asktartaasi oo tiradoodu gaareyso 5 kun oo askari ay tababarkooda dhammaysteen bartamihii sanaddii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxweynihii hore wada shaqaynta uu u muujiyey, waxa uuna sheegay in muddada uu xilka hayo ku dadaali doono sidii loo sixi lahaa qaladaadkii dhacay, dhawaanna uu soo dhisi doono xukuumad si dhab ah wax uga qabata dhibaatooyinka kala duwan ee dalka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo baxay doorashadii dalka ka dhacday 15kii bishaan oo ay ku loolameen musharaxiin gaareysa 39.

Maxamed Cumar Adan

WardheerNews, Muqdisho