Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi Ballaaran uu Hogaaminayo oo Kicitimey Dalka Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi Ballaaran uu Hogaaminayo oo Kicitimey Dalka Mareykanka

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa u dhoofey dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shirka 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u bandhigi doona madaxda aduunka ee shirkaasi kasoo qeybgalaysa xaaladda dhabta abaaraha, dhibaatada kooxaha argagixisada iyo aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aadan  la dagallanka saboolnimada, argagixisada, dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku rajo weyn in ay hesho taageerada beesha caalamka si ay wax uga qabato abaaraha ay la dhibaateysanyihiin 7.2 milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah iyo hawlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo iminka sare u qaadey weerarada ka dhanka ah deegaanada ay gacanta ku hayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan digniintii ugu danbeysay kasoo saartey xaaladda abaareed ee Soomaaliya ka jirta, oo afar xilli roobaad aan helin wax roob ah. Taasi oo sababtey dhimasho iyo barakac xooggan ayadoo illaa iyo hadda aan la helin gurmad ku filan dadkaasi. Waxaa sidoo kale jirta caqabad kale oo ah sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan deegaanada ku jirta gacanta Alshabaab.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.