Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madasha wada tashiga qaran oo Villa Soomaaliya shir uga furmay

Madaxweyne Xasan iyo madada dawlad goboleedyada

Muqdisho, Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee  magaalada Muqdisho ka furmey shirka madasha wada tashiga qaran oo uu shirgudoominayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, kaasi iyadoo ay qeyb ka yihiin madaxda maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo ra’isalwasaaraha xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey ee madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud si wadajir ah ula yeesho madasha wada tashiga qaran tan iyo markii la doortey 15-kii may 2022, ayaa soconaya muddo 2 maalin ah, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii wadajir wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha dalka iyo wada tashi laga yeelanayo magacaabista ra’isalwasaaraha cusub ee dhawaan madaxweynaha Soomaaliya  ku dhawaaqi doono.

Waxaa sidoo kale shirkan looga hadli doonaa sidii dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka u wada shaqayn lahaayeen, islamarkaana isaga kaashan lahaayeen hawlaha dawladnimo, meeshana looga saari lahaa khilaafaadkii hore usoo dhexmarey dawladdii hore iyo maamul goboleedyada.

Aqalka Sare

Dhanka kale, Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta kalfadhigiisii 1aad ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo ay soo xaadireen 39 senator.

Kalfadhiga maanta ayaa ujeeddadiisu ahayd ansixinta magacaabista guddoonka aqalka sare ee xubnaha habdhawraha golaha aqalka sare, waxaana cod aqlabiyad lagu ansixiyey magacaabista:

 1. Zamzam Ibraahim Cali ( Habdhawraha golaha aqalka sare ).
2. Fartuun Cabdulqaadir Faarax  ( ku xigeenka hab dhawraha golaha aqalka sare).

 Guddoonka aqalka sare ayaa hore usoo magacaabey xubnahaan, waxaana la sugaayey xubnaha golaha aqalka sare in ay ansixiyeen kalfadhigooda 1-aad ee maanta.

Maxamed Cumar Sheekh Aadan

WardheerNews, Muqdsho