Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dawladdiisu ay qaadday tallaabooyin lagu xoojinayo dhinacayada ammaanka, maaraynta iyo dhawrista hantida dalka.
Waraysi dheer oo ay shabakadda WardheerNews la yeelatay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud munaasabadda sannad guurada markii loo doortay xilka madaxweynenimada Soomaaliya oo ku beegan bishan Seb 10 keeda, ayuu kaga warramay waxqabadkii iyo qorshayaasha xuukumadiisa ee ku jihaysan sidii wadanka horey loogu marin lahaa.
Madaxweyanaha oo ka jawaabayay weydiin la xidhiidha in dawladdiisu ay dhinac martay nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 ku dhisan, islamarkaana ay xukuumaddu tahay mid xooggeedu ka soo jeeddo urur diineedka Damul Jadiid, ayaa madaxweynuhu isagoo taas iska fogeynaya wuxuu yidhi, “Horey ayaan arintan uga hadlay haddana mar kale ayaan sheegayaa in aanan ka tirsanayn wax urur ah, Baarlamaanka iyo xukuumaddu waxay ku dhisan yihiin oo ay matalayaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed, su’aashaada ku wajahan arrinkan waa mid gefsan xaqiiqada islamarkaana wax marin habaabinaysa, sharciga aasaaska u ah xukuumaddu waa mid ka turjumaya nidaamka wax wada qaybsiga. Waxaanu xoogga saaraynaa sidii Soomaaliya looga samayn lahaa doorasho xor ah sanadka 2016, si markaasi dadku u doortaan cidda ay rabaan”
Dhinaca dagaalada lagula jiro ururka Al Shabaab, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dagaaladaasi lagu xoreynayo Soomaaliya ay sii xoojin doonaan, si dawladdu iyadoo kaashanaysa AMISOM ay gacanta ugu dhigto dhammaan Soomaaliya.
Waraysigan oo ah mid qoraal ah, kuna qoran luqadda Ingiriisida isagoo dhammaystiran dhawaan ayaanu idiin soo gudbin doonnaa Insha Allah
WardheerNews.
Leave a Reply